Dubai(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safar ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, isagoo hoggaaminaya wefti ka tirsan xukuumadiisa.
Xasan Sheekh waxa safarkiisa ku weheliya wasiirkiisa arrimaha dibadda Cabdisalaan Hadliye, oo laba toddobaad ka hors afar ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, isagoo farriin ka siday Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida ay wakaaladda wararka ee Imaaraadka Carabtu baahisay, waxa uu Xasan Sheekh shalay kulan la yeeshay dhaxal-sugaha Amiirka magaalladda Abu Dhabi, ahna Taliye-xigeenka Milliteriga dalkaasi, Sheekh Maxamed Bin Zaayid Alnahyaan, waxaanu kulankaasi ka dhacay guriga boqorka oo ku yaala xeebta Beach palace.
Warbaahinta Imaaraadka Carabtu waxay sheegtay inay labada masuul ka wada hadleen danaha Imaaraadka Carabta iyo Somaliya, waxaana kulanka ku wehelinayay sideed xubnood oo ka kala socday labada dhinac oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliya.