Somaliland Oo Laga Tukaday Salaad Roob Doon Ah

0
603

Hargeysa (Geeska)-Guud ahaan Gobolada Somaliland, ayaa shalay laga oogay Salaad Roob-doon ah oo ALLE lagaga baryay inuu abaarta inaga qaado, raxmadna inoogu bedelo, isla markaana uu roob ina siiyo.

abaaro

Iyada oo masaajidada iyo goobaha lagu tukudo Ciidaha lagu tukuday Salaadii roob doonta ahayd ayaa Madaxweynaha Somaliland  Axmed Siilaanyo  isna garoonka weyn ee kubadda Cagta ee Hargeysa kula Tukaday Kumannaan dadweyne ah oo u soo baxay tukashada Salaada roob-doonta ahayd, waxaanu ILLAAHAY u baryey inuu roob inoo shubo si bulshadda ku tabaalaysan Miyiga ee abaartu ay saamaysay uga jabto.

Madaxweynuhu waxa uu salaadda kadib ku duceeyay in ALLE ka Aqbalo baryada  ay isugu soo baxeen shacabka Somaliland, raxmaaddiisana si deg deg ah ugu shubbo.

Ka hor Madaxweynaha waxa khudbad ku saabsan roob doonta halkaa ka jeediyey Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed  waxaanu ku baaqay in la is wada-cafiyo Ilaahayna loo toobad celiyo, waxaanu yidhi  "In kulaylkan iyo abaaruhu ay yihiin dunuub dadka ka timid oo ay ka toobad keeni waayeen, dhibaatada ka timid dunuubtaasina ay saamaysay bahaayinka iyo makhluuqa kale ee xayawaanku ka mid ka yihiin ee ay gaadhay"

Wasiirku  waxa uu ku baaqay  in la is  caawiyo oo la isu gargaaro la isna  taakuleeyo cidiba ciddii ay ka jeeb roontayna ay wax ku taakulayso dadkaa tabaalaysan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siillaanyo) ayaa isna dhankiisa Halkaasi umada uga duceeyay, waxaanu uu ALLE uga baryeey in uu abaaraha ka soo jabiyo, raxmadkiisana u shubo.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo isna Shacabka la tukuday Salaadii Roob Doonta, ayaa ILLAAHAY ka baryey inuu abaaraha inaga dulqaado, oo uu inoo naxariisto, raxmaadkiisana uu inoo shubo

Dhanka kale Culimada kala duwan ee Masaajidada Somaliland ayaa iyana ILLAAHAY baryey, waxayna ILLAAHAY SWT ka baryeen inuu inoo  naxariisto, oo raxmadiiskiisa inoo shubo, abaarahana inaga dulqaado,