Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Saaray Farriin Khusaysa Curashada Sannadka Cusub Ee 2021-ka Oo Berri Ku Beegan

0
577

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa curashada sannadka Cusub ee Miilaadiga ee 2021-ka awgeed wuxuu Hambalyo u diray Shacabka Somaliland iyo bulshada caalamka.

Dhambaal Hambalyo ah oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo soo gaadhay Geeska.net ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2021-ka awgeed, kuna beegan Jimcaha 01/01/2021-ka uu hambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta beesha caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu hambalyo iyo salaan u dirayaa dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Caalamka u rajeynayaa in Sannadka 2021-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo xasillooni iyo horumar waara.

Ugu danbayn wuxuu Madaxweynuhu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ku boggaadinayaa dedaalkooda horumarka iyo doorka muuqda ay ka qaataan nabadgelyada wuxuuna ku dhiirigelinayaa inay kor u qaadaan wax wada qabsiga iyo midnimada dhexdooda kuna tartamaan iskaashiga horumarka, isla- markaana ilaashadaan jiritaanka qarankooda.”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.