Madaxweynaha Somaliland Oo Sheegay In Doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu U Dhacday Si Caddaalad Ah, Farriina U Diray Soomaaliya

0
425

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyay Habkii ay dhacday doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Golaha cusub ee Wakiillada ayaa Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo WADDANI uga soo baxay Gobolka Sool u doortay Guddoomiyaha shanta sanadood ee soo socda Hoggaamin doona Golaha, halka ay labada Guddoomiye ku-xigeena u doorteen Siciid Mire (Giire) iyo Cali Xaamud Jibriil oo Xisbiga UCID uga soo baxay Gobollada Awdal iyo Sanaag.

Madaxweynaha Somaliland oo doorashada Shir-guddoonka ka dib, qaabilay Xubnaha loo doortay Hoggaanka Golaha Wakiillada iyo Masuuliyiintii Dawladda ee hagayey doorashadaasi, ayaa sheegay in doorashada Shir-guddoonku si Caddaalad ah u dhacday, sidaasi darteed uu Hambalyaynayo Xubnaha la doortay, kuwaasi oo dhamaantood ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka ah.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta Somaliland oo dhan baa guulaysatay oo nin qudha ahi ma guulaysan, xisbina ma guulaysan, guddoomiyaha Baarlamaanka, ku-xigeenka koowaad iyo labaadna waan soo dhaweynayaa, waanan hambalyeynayaa, guddoomiyihii la tartamayeyna waan hambalyeynayaa, tartan isu dhaw buu ahaa, waa Dimuqraaddiyad, sida uu u hambalyeeyey iyo waayeelnimada uu muujiyeyna waan hambalyeynayaa.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay “Ilaahay wuxuu inna gaadhsiiyey guul weyn oo wixii Somaliland jecelna uu ku farxayo, Cadowga Somaliland-na uu ku jabayo, taas ayaa Taariikh la qorayo ah..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo bogaadiyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Guddoomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Golihii hor ee Wakiillada ee wakhtigu ka dhamaaday oo maamulayey doorashada Shir-guddoonka “Waxaan Hambalyeynayaa odayaashii Maamulay arrintaa, ee uu kow ka yahay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Baashe, Go’aannada iyo Talo qabeennimada iyo siday u xalliyeen mushaakilkii ka hor-yimid, habka Qarannimada ah iyo Cadaaladda ah ee ay u maamuleen, aad iyo aad baa loogu Mahad-naqayaa.”

Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo aqbalay markii lagaga guulaystay doorashadii Guddoomiyaha Golaha cusub ee Wakiillada “Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka waanu Hambalyeynayaa oo waanu soo dhaweynaynaa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Guddoomiyihii la tartamayey Prof. Yaasiin waanu Hambalyeynayaa, Tartan isku dhow buu ahaa, waa lagu Talo-galay oo waa Dimuqraadiyad, siduu u hambalyeeyay (Guddoomiyaha la doortay) iyo Waayeelnimada uu muujiyeyna waanu soo dhaweynaynaa . Yaasiin Qaranka in badan buu u soo shaqeeyay, haddana wuu u shaqayn doonaa oo waa Oday halkiisii fadhiya, Maantana Hambalyadii aad isku hambalyayseen iyo Gacan-qaadkii, waan idinku Hambalyeynayaa, Qaranka ayaad u hiiliseen.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu Farriin u diray waxa uu ugu yeedhay Cadowga Somaliland “Cadowga Somaliland waxaan leeyahay, Somaliland halkaas bay gaadhay, Somaliland Cadowga keliya ee ka soo horjeeda ee Maanta Xamar isla rafanaya waxaan leeyahay iyo inta Af-Soomaaliga u hadashaba waad daawanayseen, Somaliland dimuqraadiyadda ugu furfuran iyo Tartankii ugu adkaa iyo inay u midaysan tahay Qarannimada, Cadowga Somaliland iyo inta lugta jiidaysaaba haku cibro qaadato..”

Madaxweynuhu wuxuu u Mahad-naqay shacabka Somaliland.

 

Geeska.net/Hargeisa Office