Doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Oo Lagu Kala Calaf-qaaday, Xildhibaannadii Uu KULMIYE Ku Tashanayey Ee Leexday & Jewigii Guud Ee Madasha

0
502

Hargeysa (Geeska) – Salaasadii Shalay oo Taariikhdu ku beegnayd 03.08.2021, waxay Somaliland u jihaysatay Hanaan Siyaasadeed oo cusub, ka dib markii hoggaaminta Golaha cusub ee Wakiilladu uu gacanta u galay Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, kuwaasi oo doorashadii dalka ka dhacday 31-kii May, 2021 ka helay Xildhibaano dhan 52.

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo Cidda noqonaysa ay muddo ku soo loolamayeen Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo isku dhinac ah iyo Xisbul-xaakimka KULMIYE oo dhinaca kale ah, ayaa Salaasadii Shalay loo fadhiistay, waxaana Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilladu yeesheen fadhigoodii u horreeyay, waxayna doorteen Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo Guddoomiye ku-xigeen labaad, kuwaasi oo dhamaantood ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah.

Fadhiga oo uu bilow illaa dhammaad guddoomiyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo mudaneyaasha mariyey dhaarta Dastuuriga ah, ayaa waxa cod gacan taag ah Guddoomiyaha Golaha ee Shanta sanadood ee soo socda loogu doortay Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kaasi oo helay 42 Cod, halka uu 39 Cod ka helay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo kula tartamayey kursigaasi.

Sidoo kale, waxa Cod gacan taag ah lagu doortay Mudane Siciid Mirre Faarax (Giire) oo noqday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, kaasi oo ah Xildhibaan Xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Sanaag, balse uu Xisbiga KULMIYE oo uu Isbahaysi la samaystay u soo sharraxay Jagadaasi, waxaanu helay 41 Cod, waxaanu jagadaa kaga guulaystay Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ay isku deegaan yihiin, isku xisbina ka soo baxeen isla-markaana uu Isbahaysiga Mucaaradku u soo sharraxay Jagadaasi, kaasi oo isaguna helay 40 Cod.

Waxa kale oo Guddoomiye ku-xigeenka labaad loo doortay Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Awdal, kaasi oo Isbahaysiga Mucaaradku soo sharraxeen, waxaanu helay 43 Cod, waxaanu jagadaa kaga guulaystay Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo ay Isku xisbi ka soo wada baxeen, balse uu soo sharraxay Xisbiga KULMIYE oo uu isbahaysi la ahaa, Mudanahaasi oo isaguna helay 38 Cod, sidaasi awgeed waxa hoggaanka shanta Sanadood ee soo socda ee Golaha Wakiillada la wareegay UCID iyo WADDANI oo iskaashanaya.

Jewigii guud ee Madasha

Doorashada Golaha Wakiillada oo si toos ah looga baahinayey Telefiishannada iyo Warbaahinta Bulshada, ayaa ku bilaabantay jewi Xamaasad leh, maaddaama oo labada dhinac ee Isbahaysiga iyo Xisbul-xaakimka KULMIYE ay muddo 2 bilood ku siman Golaha dibeddiisa ku loolamayeen, isagoo mid walba isku hawlayey sidii uu u heli lahaa aqlabiyadda Xildhibaannada la soo doortay.

Markii uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare dhaariyey ka dib, waxa Hoggaaminta Golaha lagu wareejiyey Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ugu da’weyn Xildhibaannada cusub ee la soo doortay, si uu Golaha u hoggaamiyo inta la dooranayo Shir-guddoonka, balse arrintaa waxa ka biyo diiday Xildhibaannada Mucaaradka, kuwaasi oo ku dooday inaan Mudane Tartanka ku jiraa aanu hoggaanka Golaha la wareegin. Intaasi ka dib waxa Hoggaanka Golaha la wareegay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, kaasi oo soo jeediyey in Guddoomiyaha Maxkamadda sare lagu wareejiyo Hoggaaminta Golaha inta doorashadu socoto, taasi oo ay aqbaleen Xubnaha ku tartamayey Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada.

Intaasi ka dib, waxa fursad la siiyey 6-da xubnood ee ku tartamayey Shir-guddoona Golaha Wakiillada ee labada dhinac kala matalayey, waxaana mid walba uu halkaa ka jeediyey khudbad taabanaysa qorsheyaashiisa hoggaamineed, haddii loo doorto Shir-guddoonka Golaha cusub ee Wakiillada.

Khudbadaha ka dib, waxa la sameeyay Qori-tuur ah xubinta marka koowaad ay Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu u codaynayaan, waxaana Qofka koowaad ee loo codeeyay noqday Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), gacan taag ka dibna waxa uu helay 39 Cod, laakiin waxa Sacab bilaabay xubnaha taabacsanaa Cabdirisaaq Khaliif, kaasi oo isaguna markii gacanta loo taagay helay 42 cod, isla-markiiba waxa fadhiga ka kacay oo Hambalyeeyay isla-markaana ay Laabta geliyey Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo aqbalay natiijada doorashada.

Tirada Xildhibaannada fadhiga joogay iyo isbeddellada dhacay

Fadhiga Golaha Wakiillada waxa ka soo xaadiray 81 Xildhibaan, kuwaasi oo kala ahaa 40 Xildhibaan oo dhanka KULMIYE ah iyo 41 Mudane oo dhanka Isbahaysiga ah, laakiin markii Cod-bixinta doorashadu bilaabantay, waxa dhanka Isbahaysiga u baydhay isla-markaana Cabdirisaaq Khaliif u codeeyay Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo Xisbiga KULMIYE uga soo baxay Gobolka Maroodi-jeex iyo Xildhibaan Meecaad oo WADDANI ka mid ah, balse Maalmihii u dambeeyay taageerayey KULMIYE, taasina waxay keentay in Faratoon helo 39 Cod, halka Khaliif oo haystay 41 Xildhibaanna uu ka helay 42 uu ku jiro Codkii Guruuje.

Dibedda Xarunta Golaha Wakiillada

Doorashada Shir-guddoonka ka hor iyo ka dibba, waxa Agagaarka ku dhow Xarunta Golaha Wakiillada soo buux-dhaafiyey Dadweyne tiro badan, kuwaasi oo sugayey Natiijada doorashada ka soo baxaysa.

Dadweynaha oo Aragtiyo kala duwan qabey, ayaa markii lagu dhawaaqay Natiijada doorashada Shir-guddoonka waxay bilaabeen Dabbaal-degyo, iyagoo siyaalo kala duwan dareenkooda u soo bandhigay.

Gabeogabo

Salaasadii Shalay oo ku beegan 03.08.2021 waxa soo dhamaatay doorashadii Golaha Wakiillada, waxaana sidaa shaqadii waajibka ku ahayd ku bilaabay 82-ka Xildhibaan ee ku soo baxay doorashadii dalka ka dhacday bishii shanaad ee sannadkan, taasi oo Xisbiyadu ka kala heleen Xildhibaano tiradoodu kala tahay UCID oo helay 21 Xildhibaan, KULMIYE oo helay 30 Xildhibaan iyo WADDANI oo helay 31 Xildhibaan.

Golahan ayaa si rasmiya u beddelay Golihii ka horeeyay, kuwaasi oo shaqada Qaranka hayey muddo 16 Sanadood ah isla-markaana dhowr jeer muddo kordhin loogu sameeyay, markii doorashadii lagu beddeli lahaa sababo badan awgood dib ugu dhacaysey muddo dheer.

Golaha cusub, ayaa sida Sharcigu yahay xilka haynaya muddo dhan 5 sanadood, waxaana muddadaa ka dib la soo dooran doonaa Gole cusub oo beddela, haddii aanay raacin jidkii kuwii ka horeeyay, waxaana Xildhibaannadu muddadaa ay xasaanadda leeyihiin uu Shacabku ka sugayaa in iyaga oo Qaranka matalaya ay la xisaabtamaan Xukuumadaha dalka soo mara, kana shaqeeyaan wixi Ummadda u dan ah, maaddaama oo Sharci kasta oo dalka lagu maamulayaa uu dhankooda ka imanayo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office