Somaliland: Covid_19 Oo Dilay Laba Qof, 82 Laga Helay Iyo Feejignaan La’aanta Shacabka

0
350

Hargeysa (Geeska) – Xanuunka Covid_19, ayaa si hoose ugu faafaya gudaha Somaliland, waxaana jira Dad tiradoodu kordhaysa oo si Maalin leh ugu dhinta Xanuunkaasi.

War-bixinta Maalinlaha ah ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa lagu sheegay in Isniintii Xanuunka laga helay 82 Qof, ka dib markii la baadhay 421 Qof.

Warku wuxuu intaa ku daray in Isniintii 2 Qof u dhinteen Xanuunka, taasi oo muujinaysa Xaaladda Xanuunka ee gudaha Somaliland.

Dadka Xanuunka laga helay ayaa 51 qof ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa, 14 Qof Berbera, Boorama 7, Burco 5, Laascaanood 5.

Ugu dambayn, labada Qof ee Xanuunka u Geeriyooday ayaa ku kala sugnaa Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

 

Geeska.net/Hargeisa Office