Finland Oo Ergayga Nabadda Ee Afrika U Magacowday Xildhibaan Reer Somaliland Ah

0
441

Finland (Geeska) – Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Finland Pekka Haavisto ayaa u magacaabay xildhibaan Suldaan Saciid Axmed oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland inuu noqdo ergaygiisa gaarka ah ee dhexdhexaadinta nabadda Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa sheegtay in Axmed, oo ah xubinta kaliya ee asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ku jirta baarlamaanka Finland, uu diiradda saari doono taageeridda geeddi-socodka nabadda ee mid ka mid ah gobollada Afrika.

“Caqabadda soo food saartay gobolka waxaa ka mid ah dagaallo badan oo siyaasadeed iyo kuwa hubaysan, oo ay u dheer tahay in gobolku uu la ildaran yahay abaartii ugu xumayd muddo tobanaan sano ah,” ayuu yidhi Haavisto. ” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dhexdhexaadinta nabadda waa mid ka mid ah mudnaanta siyaasadda dibedda iyo amniga ee Finland.”

Saacado kadib magacaabistiisa, Axmed ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga laga leeyahay, in magacaabistiisa ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo gobolka uu wajahayo dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin colaado “Waan ku faraxsanahay in xilkan la ii magacaabo, waxaana gudan doonaa waajibaadkayga, waxaanan kala shaqayn doonaa mas’uuliyiinta gobolka si aan u xalliyo arrimaha taagan,” ayuu yidhi.

Axmed ayaa sheegay in uu dhawaan booqan doono gobolka Geeska Afrika oo uu la kulmi doono mas’uuliyiinta si uu ugala hadlo arrimaha iyo xidhiidhka ka dhexeeya dalka Finland.

Xildhibaan Suldaan Axmed ayaa asal ahaan ah Soomaali, si gaar ahna waxa uu ka soo jeedaa Somaliland.

Axmed oo dhawaan booqasho ku yimid Somaliland, ayaa xilligaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka Somaliland.

Geeska.net/Hargeisa Office