Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lafilayo In Uu Socdaal Ugu Baxo Dalka Jabuuti

0
4168

 

Xubnaha Waftiga Madaxweynaha ku wehelin Doona ayaa, lagu Wadaa in ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire,Wasiirka Cadalada

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti uu Hogaaminayo ayaa, la filayaa in uu Todobaadkan Gudihiisa Socdaal ku gaadhi doono dalkaasi Jabuuti kadib markii uu Martiqaad ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele maadaama ay ka qeyb qaateen ololihii Doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga Kulmiye.Xubnaha Waftiga Madaxweynaha ku wehelin Doona ayaa, lagu Wadaa in ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire,Wasiirka Cadalada Nuur Cismaan Guuleed,Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mubaarik Ismaaciil Cabdi iyo Xubno kale.Socdaalkan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagayo,dalkaasi Jabuuti ayaa noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah oo uu dalka kaga baxo tan iyo intii ka dambeysay markii uula wareegay talada dalka iyadoo,socdaalkani kusoo beegmay wakhti hadalheyn badani ka taagan tahey Digreetadii labaad ee uu ku Magacaabo Xilalka Qaranka oo uu shaley kasoo saarey Xafiiskiisa kuna magacaabey Agaasimayaal Guud iyo Masuuliyiin kale oo Hay,adaha Dawliga ah uu u magacaabey sida Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka,Hay,ada Kahortaga Masiibooyinka iyo Qaxootiga iyo Barakacayaasha.Arimaha ugu Waaweyn ee la filayo,in ay ka wada hadli doonaan Dawllada Jabuuti waxa lagu wadaa in ay ugu muhiimsan yihiin Arinta Saldhiga Millatari ee Imaaraadku ka doonayey Somaliland kaas oo ay heshiiskiisa meel marisey Xukuumaddii ka horeysay ee Kulmiye iyadoo,socdaalka Madaxweynaha lagu wado in uu Maalinta jimcaha ee Bari dalka ka bixi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here