Madaxweynaha Ruushka Oo Faahfaahiyey Sababta Ay Madaxda Reer Galbeedku U Kala Aragti Duwan Yihiin

0
470

Picture2Moscow (Geeska)- Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sabtidii shalay waxa uu si badheedhe ah u taabtay mid ka mid ah sababaha muhiimka ah ee ay isaga iyo hoggaamiyeyaasha reer galbeedku isu fahmi la’ yihiin. Putin oo hadalkan jeediyey maalin uun kadib markii uu Jimcihii magaalada Moscow kulan kula yeeshay hoggaamiyeyaasha Jarmalka iyo Faransiiska Angelo Markel iyo François Hollande oo ugu tegey xal u raadinta muranka dalka Ukraine ee ay Ruushka iyo reer galbeedku isku fahmi la’ yihiin, ayaa khudbad garnaqsi u muuqata oo uu jeediyey waxa uu ku taabtay dood muddooyinkan dambe aad ugu soo xoogaysanaysa dunida diblumaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah oo la xidhiidha sida ay quwadaha reer galbeedku ula dhaqmayaan dalalka ay u arkaan in ay ka hooseeyaan iyo siyaasaddooda ah in ay iyagu yeedhiyaan sida ay tahay in dunida loo maamulo.

Vladimir Putin oo ugu horreynba ka jawaabaya eedaynta reer galbeedku ugu jeediyaan siyaasaddiisa ku aaddan dalka Ukraine ayaa isku difaacay in aanay dalkiisa qorshaha ugu jirin in uu cid weeraro, laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in uu diiddan yahay siyaasadda u yeedhinta ah ee reer galbeedka, isaga oo taas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Marnaba Moscow uma cuntamayo in ay raacdo nidaam caalamiya, oo hoggaamiye uu kuwa kale u yeedhinayo waxa ay tahay in ay sameeyaan”  Putin oo ay reer galbeedku ku tiriyaan in uu yahay keli-taliye dimuqraaddi ah ayaa isaga oo gartiisa akhrisanaya waxa uu yidhi, “Waxaa si cad u muuqda isku-day la doonayo in siyaabo kala duwan loo carqaladeeyo horumarkayaga, waxaa jira isku-dayo lagu wiiqayo nidaamka caalamiga ah ee jira, kaas oo la doonayo in la abuuro hoggaamiye aanay cidi la tartami karin oo doonaya in dadku fahmaan, in isaga loo ogolyahay wax kasta, laakiin aanu isagu dadka kale u ogolayn in ay ku tallaabsadaan wax aanay uga fasax qaadan, wax kasta oo ay tahay in la sameeyana uu u eegayo dantiisa in ay waafaqsan tahay”

Hadalkan madaxweyne Putin oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa ka mid ahaa khudbad uu Putin ka jeediyey kulan uu la yeeshay ururka shaqaalaha ee magaalada Sochi oo ku taalla Koonfurta dalka Ruushka, waxaana ka mid ahaa, “Nidaamkan caalamiga ah ee la doonayaa uma cuntamayo Ruushka, laakiin cidna dagaal kuma qaadayno, cid kastana iskaashi ayaanu la samaynaynaa”

Xukuumadda Ukraine iyo dowladaha taageera ee reer galbeedka ayaa Ruushka ku eedayaya in uu isagu hurinaya colaadda ay kooxo mucaarad gooni-u-goosad u badan oo Ruushka la jaal ahi ka wadaan bariga dalka Ukraine, waxa aanay sheegayaan in Moscow ay kooxahan siiso hub iyo dagaalyahanno ka barbar dagaallama, arrintaas oo uu Ruushkuna diiddan yahay.Muddaba waxaa masraxyada  dunida ka socda doodo la xidhiidha siyaasadaha arrimaha dibadda ee dalalka reer galbeedka oo uu Maraykanku hormuud u yahay, waxaana jira doodo xujadooda wata oo la xidhiidha in dalalka reer galbeedku ay marayaan diblumaasiyad aan hore dunida uga jirin oo ah in iyagu ay jaan-gooyaan sida ay dunidu u shaqaynayso, cidda maamulaysa, nidaamka lagu maamulayo iyo weliba habka dhaqaale ee ay marayso. Iyada oo arrimahaas ay waafajinayaan danahooda gaarka ah. Dabeecaddaas oo xoogaysatay intii ka dambaysay dagaalkii qaboobaa ee dunida oo ay meesha ka baxday quwaddii labaad ee dheelli tiraysay awoodda reer galbeedka.