Borama: Carwo Ganacsi Oo Markii Ugu Horaysay Lagu Qabtay

0
463

Picture1

Borama(Geeska)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacisga Md. Bashiir Cabdi Xariir, ayaa shalay xadhiga ka jaray Carwo ganacsi oo markii u horaysay lagu qabtay magaalada Borama.

Waxa iyaguna ka qayb galay wasiirada xidhiidhka goleyaasha Md. Cali Xaamud Jibriil, Beeraha Md. Faarax Cilmi Geedoole, madaxda xisbiyada mucaaradka, odayaal iyo dadweyne kale.

Wasiir Cali Xaamud Jibriil, oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada ay Carwadu u leedahay guud ahaan gobalka Awdal iyo Borama, wasiirka Beeraha Md. Faarax Cilmi ayaa isna sheegay inay Carwadu wax weyn ku soo kordhin doonto Boorama. Waxaanay labada wasiirba bogaadiyeen dhallinyarada Carwada abaabushay.

Wasiir ku xigeenka ganacsiga Md. Bashiir Cabdi Xariir ayaa isna dhallinyaradii soo qaban qaabisay ku bogaadiyay hawsha ay qabteen, waxaanu sheegay inuu salaan uga sido madaxweyne Siilaanyo.

Shirkado tiro badan ayaa halkaas ku soo bandhigay adeegyada ay qabtaan, waxaana la arkayay shirkado caan ka ah Somaliland oo soo bandhigay waxyaabaha ay umadda ka iibiyaan.