“Buurmadaw Malaa Albaabka Madaxtooyada Oo Uu Garanaayo Ayaa Laga Xidhay”

0
497

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw, oo ay isku hayb yihiin Madaxweynaha, kaas oo sheegay inay haboon tahay in Muddo kordhin Labo Sanno ah loo sameeyo Madaxweynaha.

Guddoomiye ku xigeenkak Saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay Dhalinyarada ay muddooyinkii ugu dambeeyey Xukuumaddu xidhaysay.

Mujaahid Cali Guray ayaa sidoo kale Xukuumadda iyo Madaxtooyada u eedayey hanta ,lunsi, sharci jabin, iibka Guriyaha dawladda, waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaya uu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay 

“Anigu waan arkaayey markuu qofkan Buurmadaw hadlaayey, waxaan se kala garan waayey inuu Madaxweynaha la socdo iyo inuu mucaaradsin yahay, anaga oo Rag badana waxa aanu is weydiinay arintiisa, oo waxa aanu isku gaynaba waanu naqdinay,malaa Albaabka Madaxtooyada oo uu garanaayo ayaa laga xidhay,  waxa ka hadlinayaana waa Hunguri, oo waanu naqaana Buurmadaw oo waa dadkan Hunguriga ee maalin walba sida uu doono iskaga hadlaa, waana raqiis, kaas oo kalena anigu Madax-dhaqameed uma arko, meel lagu doortay reerna ma jirto, reer Musharax ahna ma jirto, waxa la doorntay Madaxweyne,Axmed Siillaanayo Kursiga uu ku fadhiyo hadyad looma siin, wuu u tartamay, Tartan ayuu ku helay, waxa aanu ogalnahay inuu tartan oo  Labo Sanno ayuu ka hadlaaye in haddii uu Doorashada ku guulaysto inuu Shan Sanno oo dambe sii joogo.” Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Meel reer ku tashaday, oo yidhi anaga ayaa lana doortay, oo xilka hayna, ma jirto, reerka wuu hafrayaa, laakiin waxa nasiib daro kuwa uu magacooda ku hadlaayo, cid ka hadashay oo tidhi waxa uu ku hadlaaya waa beentii, ma jirto, waxa aan leeyahay Buurmadaw ha caayin reerka, Tuugta meesha ku jirta reerkayaga ayaa u badan, awooda dawladda reerkayga ayaa u badan, waxa aad haysto ee aad reerka ku magaysaana waxba kama jiraan. Buurmadaw SNM ayuu ahaaba la yidhaahda, waa la hafrayaa, halkee ayuu SNM ku arkay.” Mujaahid Cali Guray ayaa mar uu ka hadlaayey Dhalinyarada ay Xukuumaddu xidhay ayaa yidhi  “Runtii ilaa muddo Laba Todobaad ah, waxa socday xadhig la xidh-xidhayo Dhalinyaro, oo la leeyahay waxa ay noqdeen Casaabad ama Rabahad, oo habeenkii iyo Maalintii ayey Rabshada sameeyeen ay leeyihiin, haddii aan isticmaalo eraygan Rabshad, waa eray balaadhan oo aan sidiisa loo fahmi karin, waxa loola jeedo, dil ama dunuub,  ay Dhalinyaradan la xidhay ku kacday oo rasmiya oo naloo sheegay ma jiro, waxa la leeyahay ilaa Laba Boqol oo Dhalinyaro ah ayaa la xidh-xidhay, waxaana taas u aragnaa inay tahay ciqaab wadareed in la isku qaaday Dhalinyaro kooxo ah.

Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anigu Wadanka Casaabad Qudha ayaan aqaana Casaabadaasina Madaxtooyada ayey fadhidadaa, waa kuwa Guryaha dadka iibsada, waa kuwa Sharciga burburiya , waa kuwa Lacag urursiga ku jira, markaas kolka ay Inamada yaryari waxaas og yihiin ee ay arkaan ee waliba ay iyagu yihiin kuwa u isticmaala Xisbiyada Mucaaradka, ee inta ay Wasiiraddu ugu tagaan meelaha laga helo, ee ku yidhaahda Xisbiyada Mucaaradka UCID ama Waddani ayaa meel heblaayo ku shirayee orda oo soo rabsha, kuwii ay iyagu isticmaaleen ayey horta ka cabanayaan, Runtii haddii ay halka wanaagsan ka eegi lahaayeen waddo ka haboon ta imika Dhalinyarada laga sheegayo, oo nolosha u maraan ayaa loo tilmaami kari lahaa, dhaqan celin ayaa loo sameeyn lahaa, wacyigelin ayaa loo kari lahaa,laakiin wixii jiray, waataas ay iyagii  cunayaan ee ay boobayaan, Maanta Guriyaha la iibiyey tiradood iyo Lacagtooda cid garanaysa ma jirto”.