Maayarka Cusub Ee Caasimada Hargeysa Oo Si Rasmi Ah Xilkii Ula Wareegay

0
531

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Maayarka cusub ee magaalada Hargeysa Eng. Yuusuf Warsam,Siciid, ayaa shalay si rasmi ah xilkii duqa magaalada kala wareegay maayarkii hore Md. Xuseen Maxamuud Jiciir.

 

Munaasibadan oo si qurux badan loo soo Agaasimey  ayaa wax ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxmaed Nuur Caraale Duur, xildhibaanadii hore ee deegaanka, kuwa cusub, iyo dad kale oo magac ku leh magaalada Hargeysa.

Ugu Horeyan wax halkasi ka hadlay Badhsaabka Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) kaas oo soo dhaweeyay xildhibaanada cusub.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Marwo Edna Aden, Wasiirka Arrimaha gudaha, guddoomiye xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin iyo masuuliyiin kale.

Maayarkii hore ee caasimada Hargeysa Eng:Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in mudadii uu xilka maayarka caasimada hayey ay u qabsoomeen wax qabadyo badan kuwaas oo uu tilmamaay inay u hir galeen sidii loogu tala galay, waxanu hoosta ka xariiqay in muddadii 10sanno ee xilka ay hayeen Shan sanno ay muran kaga dhamatay lakiin shantii sanno ee kale wax qabteen, waxanu tilmaamay in wadooyin badan ay ka hirgaliyee magalada hargeysa, bilicda magaladan ay hagaajiyeen, isaga oo sheegay in magaalooyin badan hargeysa la mataaneeyeen.

Maayirka Cusub ee Magalada Hargeysa.Eng. Yuusuf  Warsame Siciid oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa balan qaaday in ay u qorshaysan tahay in ay wax badan qabtaan.

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur  Caraale Duur oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay  in maayarka cusub looga fadhiyo wax qabad, waxanu tilaamay in wax badan ay wasarada arrimaha guduhu la qaban doonto.