Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Marxuum Xildhibaan Deeq Ducaale Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
598

deeq ducaaleTACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Golaha Deegaanka Maroodi-jeex isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Deeq Ducaale Guuleed oo ka tirsanaa Golaha deegaanka Hargeysa kuna geeriyooday 17.05.2014 Hargeysa.

 

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuumku.

 

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.