Madaxweynaha Oo Mar Kale Ingiriiska Kala Hadlay Go’aanka Baanka Barclays

0
3994

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dawladda Ingiriiska kala hadlay walaaca ay dawladda Somaliland ka qabto go’aanka uu Baanka Barclays ku doonayo inuu joojiyo la shaqaynta xawaalado badan oo ay kuwo Somaliland iyo Somaliya laga leeyahay ku jiraan.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Neil Wigan, oo dhawaan safar ku yimid caasimadda Hargeysa, ayaa bartiisa twitterka ku qoray kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland md. Axmed Maxamed Siilaanyo,, waxaanu sida uu sheegay inuu madaxweynuhu safiirka u bandhigay dareenka dawladda Somaliland ee ku waajahan go’aanka Baanka Ingiriiska ah ee Barclays. “Waxaan la kulmay madaxweynaha Somaliland oo muujiyay sida ay Somaliland uga walaacsantahay arrimaha xawaaladah.” Ayuu ku yidhi danjiruhu qoraalkiisa, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaan ku idhi Dawladda UK, waxay la kulmaysaa baananka iyo hawlwadeenada si xal loo helo.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa hore raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron ugu diray qoraal uu kaga codsanayay inay dawladda Ingiriisku farogelin ku samayso go’aanka uu Baanka Barclays ka qaatay inuu lacagaha u xawilo xawaaladaha.