“Waxaanu Taageersanahay In Dib Loo Doorto Xildhibaan Nacnac”

8
3662

Picture5Haddii aanu nahay cuqaasha, odayaasha, xildhibaanada, waxgaradka iyo dhalinyarada beesha uu ka soo jeedo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), waxaanu taageersanahay isla-markaana aanu soo jeedinaynaa in xildhibaanka mar labaad lagu celiyo inuu beesha u matalo doorashada soo socota ee golaha wakiilada, taas oo uu ku mutaystay karti, dedaal iyo waxqabad aan kala go’ lahayn oo uu yimid mudadii xilka hayey, taasoo marag ma doon ah, guud ahaan beeshuna ay ka dharagsan tahay sida uu danaha beesha iyo bulshada uu xildhibaanka u yahay uu ugu heelan yahay, waxaanu intii uu xilka hayey uu xaafadda ka fuliyey mashaariic badan oo horumar leh oo xaafadduna u riyaaqday, sida dhisida wadooyin cusub, dayactirka kuwii hore ee duugga ahaa, agoomihii mujaahidiinta oo uu guryo u dhisay, waxaanu ilaa hadda ku hawlan meel wanaagsana marinayaa dhismaha wadada Baligubadle, isagoo guud ahaan bulshada Hawd u noqday Tusaale iyo shakhsi lagu daydo, dad badan oo wax hayeyna ku dhiirigaliyey inay dalkooda maalgashadaan.

 

Xildhibaan Sacad Xariir Cumar

Caaqil Axmed Maxamuud Kaahin

Yuusuf Ciise Dirir

Cabdilaahi Maxamed Faarax

Comments are closed.