Madaxweynaha Oo Dhaqangeliyay Miisaaniyad Sannadeedka 2016

0
434

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhaqan geliyay miisaaniyada dalka ee sannadka 2016.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadu ayaa lagu cadeeyay arrintan, waxaanu yidhi sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3766 /012016 ku Dhaqan-geliyey Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka.

Madaxweynuhu:- 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go'aanka Golaha Wakiillada, Go'aan Lr. GW/G/KF-29/674/2016 ee ku taariikhaysan 03/01/2016 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay'adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah, Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;

Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay'adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.”