Maareeyaha Dekedda Berbera Oo Ka Hadlay Lacag Ay Dekeddu Kordhisay

0
518

Berbera(Geeska)-Maareyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed(Cali Xoorxor) ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay ganacsatada waaweyn ee wadanka oo cabasho ka muujiyay lacago ay dekedu ku kordhisay.

1

Maareyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoorxor waxa uu sheegay inay lacagta ku kordhiyeen koontiirada kala ah 20ft iyo 40ft, kuwaas oo uu sheegay in sarrifka sare u kacay uu sababay.  “Waxay sheegeen in tacriifad khaldan dekedda laga soo saaray oo aan munaasib ahayn, tacriifad khaldani ma jirtee waxa jira waxoogaa korodhsiimo ah oo aanu ku samaynay badeecadaha qaarkood ama badeecadaha koontiinarada ku yimaada.” ayuu yidhi Cali Xoor-xoor, waxaanu intaas raaciyay “Waxaan halkan ku cadaynayaa in korodhka aanu samaynay aanu ahayn wax qayral waaqici ah ee ay keentay danta oo la doonayo in dekedu ay adeeg wanaagsan qabato.” ayuu yidhi Cali Xoor-xoor.

Koontiinarka 20ft ah waxa uu sheegay in laga dhigay $ 350, halka uu markii hore ka ahaa $ 250, iyadoo koontiinarka 40ft ah isna laga dhigay $ 650 oo uu sheegay inay yihiin korodhsiimo ay duruufta sarifku keentay, “Markaas korodhsiimo maahee waa arrin sarifka ku saabsan.” ayuu yidhi maareeyaha dekedda Berbera.