Madaxweynaha Oo Cali Xaamud Jibriil U Magacaabay Wasiir Ka Tirsan Xukuumadiisa

0
755

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa wasiirka xidhiidhka goleyaasha, cilmi baadhista iyo tignoolajiga u magacaabay Md. Cali Xaamud Jibriil, oo hore u noqday wasiir xigeenka waxbarashada, xilkana uu Madaxweyne Siilaanyo hore uga qaaday.

Mr. Xaamud, oo ah nin dhallinyaro ah waxa uu u muuqdaa inuu mar kale hantay kalsoonida Madaxweyne Siilaanyo, isagoo marka horeba ah gacanta midig ee madaxweyne-xigeenka Md. Saylici. Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayaa waxa lagu cadeeyay magacaabista Cali Xaamud, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo digreetadiisa ku yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2622/072014 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cali Xaamud Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.”