Madaxweynaha Oo Caawa Magacaabay Wakiilo Uu Dr. Sifir Ka Dhex Muuqdo

0
710

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1077/052012 ku magacaabay wakiilada Somaliland u fadhiyi doona INGIRIISKA (UK), Canada, Norway, France, Sweden, Kenya iyo Danjiraha Wareega ee Somaliland.

MADAXWEYNUHU :-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:    Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:    In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka INGIRIISKA (UK), CANADA, NORWAY, FRANCE, SWEDEN, KENYA IYO iyo In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large);
Markuu Ka Fiirsaday:    Kartidooda, aqoontood iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku qancay:    In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1.     In Mudane, Cali Aadan Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom).
2.    In Marwo, Luula A. J. Ismaan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Canada.
3.    In Mudane, Sulub Warsame Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway.
4.    In Mudane, Cali Ismaaciil Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka France.
5.    In Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Sweden.
6.    In Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.
7.    In Mudane, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.