doorashada ka dhacday uk ( england ) ma unoqon kartaa cashar xisbiga kulmiye iyo dawlada maanta talada haysa? Maxamuud Raage, Agaasimihii khaarajiga ee is casilay

38
764

maxamuud-RaageHargeysa(Geeska)-Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee is casilay Maxamuud Raage Ibrahim, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku guuldaraysatay arrimihii ay u madda u balan qaaday inay wax uga qaban doonto.

Mr. Raage, ayaa qoraal dheer oo uu ka soo diray magaalada London ee dalka Ingiriisku, wuxuu isku barbar dhigay doroashadii ka dhacay dalka Ingiriiska iyo doorashadii dhawaan lagu doortay hoggaanka xisbiga KULMIYE. Qoraalkaasi wuxuu u qornaa sidan: “Waxaan salaam hawada u soo marinayaa dhamaan shacabka Somaliland, waxaan jecelahay maanta in ay dib u eegno taariikhda , waxna ka qaadano doorashada deegaanka ee ka dhacday wadanka UK ama England, runtii dawlada maanta ka talisa cariga England ee uu Hogaaminayo Prime Minister David Cameron ayaa waxa uu ahaa nin aad u cadcad oo balan qaaaday in uu sameyndoono isbedel dhaqaale iyo dhinac walba oo arimaha bulshada quseeya , taasoo keentay in shacabka UK u guux,aan una doortaan in uu ka noqdo Prime Minister bishii May 2010 .

Nasiib daro waxa UK ka bixi weyday(recession)   ama dib u dhac dhaqaale waxaane laga jaray dhamaan wixii kab ee lasiin jiray shacabka reer UK ee dhaqaalohoodu hooseeyo, Waxaa taa dheer Education Fee caruurta gelaysa Jaamacadaha oo laga dhigay 9000 pound oo aanay awoodin dadka uu yaryahay dakhligoodu, Waxaa ku adkaaday qoysaskii danyarta ahaa in ay bixiyaan biilashii , waxa uu ku dooday Mr.David Cameroon in uu sameynayo  saving ama dhiqid dhaqaale, taasoo aanay ku qancin shacabka reer UK, ogow marwalbana Dawladu waa ka awood badan tahay shacabka inta ay ku fadhiyaan kursiga, laakiin shicibku waxa uu awood leeyahay maalinta sanduuqyada lasoo dhigo shaarica, shalay oo ay bishu ahayd 05/05/2012 oo kasoo wareegatay maalintii uu David Cameroon u dabaaldegayey guusha mudo 2-years ah , Way hadleen shacabkii UK waxayna u sheegeen Dawladoodii in ay kalsoonidii kala noqdeen , waxana ay waayey kuraas aad u tiro badan halka Xisbiga Mucaaridku helay 38% codkii shacabka , dawladuna 31%, , runtii shacabkani waa aargoostay, waxana la eegayaa doorashada Madaxtinimada.

Hadaba hadaynu usoo noqono Dawlada Maanta uu Hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud sidoo kale ayay dalka qabatay July 2010, taasoo aad loogu han weynaa, (Anti-Corruption, Justice, Economic Growth,  Security Improvement ama Ladagaalanka Musuqmaasuqa, Cadaaladda, Kobcinta Dhaqaalaha, iyo Horumarinta Nabadgelyada waxa ay ahaayeen halbawlaha siyaasada Xisbiga kulmiye ee aan kasoo xigtay Buugii Siyaasada Kulmiye, runtii Siyaasada Arimaha Debeduna waxay ahayd meelaha laga eegayey in wax laga qabto. Haddaba Aniga oo ka mid ahaa Dawladan gartayna in aan isaga tago , waxaan shacabkayga u sheegayaa waxa Muuqata in ay ku guul dareysatay in ay Wax ka qabato arimaha ay balan qaaday, Cadaaladu iyada oo si fiican loo wado oo la sameeyey nadaam iyo Reform fiican ayaa waxa Bilaabantay Cabudhin, Xadhig iyo in lagu Hanjabo Gawaadhida UK ina siisay ee ah SPU iyo RRU , waxana Cadaatay in Musuqmaasuqa loo ogol yahay Wasiiradda laakiin la xidhayo Qasnajiga iyo Xisaabiyaha. General Audit Somaliland oo ah nin qibrad u leh shaqadan ma awoodo in uu Wasiir Baadho umana madaxbanaana shaqadiisa, Waxaa looga yeedhayaa Madaxtooyada oo la farayo sida uu u Baadhayo, ama sida uu u hadlayo.

Hayadii la dagaalanka musuqmaasuqa wey 2 jirsatay iyada oo aan la ansixin, dawladu ma ogola in ay hawl gasho, Madaxda hayadan oo jecel in ay wax ka qabtaan musuqmaasuqa , dawladan maanta jirtaa ma ogola in ay shaqeyso. Xaga dhaqaalaha Waxaa ogtihiin ninkii gaadhsiiyey Dhaqaalaha Dekeda Berbera Mudane Axmed Dirir oo soo saaray $500.000 oo dollar oo Faa’iido ah , weli ma dhicin taariikhda Somaliland, aayar baa la yidhi Duco qabe iska tag, sababta ugu weyn waxay ahayd Hakin uu ku sameeyey Checks laga soo dalbada.”

Comments are closed.