Ibrahim Dhegaweyne Oo Farriin Adag U Diray Madaxweyne Siilaanyo

8
721

Ibrahim-DhegaweyneHargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha ururka UDHIS Md. Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) ayaa jawaab adag ka bixiyay warbixintii ay guddiga diiwaangelintu ku faahfaahiyeen qodobadii ay ururka UDHIS iyo siddeeda urur siyaasadeed ee kale ku hadheen.

Ibrahim-Dhegaweyne, oo isagoo jooga magaalada Hargeysa xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay qodobada ay guddiga diiwaangelintu soo bandhigtay, isagoo taas liddigeedna sheegay inuu hayo cadaymo maqal iyo muuqaal ah oo beeninaya warbixintooda. “Xaq uma laha waxan ay sheegayaan, waayo sharcibaynu leenahay oo isagu madhigaayo inay ururadu sidaas ku dhacayaan.” Ayuu yidhi Ibrahim-Dhegaweyne, waxaanu intaas raaciyay “ waxa kaliyaata oo lagu kala hadhi karaa boqolkiiba labaatan marka la codeeyo, waxanina waa mid badheedha oo xaqba uma laha. Tooda haddaynu u raacnona cajaladii baan idiin daarayaa, intan ay sheegeenba iyada oo duuban baan hayaa oo maqal iyo muuqaalba leh, xagay markaas ku war wareegayaan.”

Mar la weydiiyay sababta uu toos ugu tagi waayay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen, uguna gudbin waayay tabashada uu ka qabo qiimaynta guddiga diiwaangelinta, wuxuu yidhi “Madaxweynuhu isagaa waxan wadee waxuu ka helaabaynu eegaynaa, ama ciidan ha keeno ama wax kale, ciidankana qarankaa leh oo hadduu garan waayo inuu qaranku leeyahay inuun buu gooni ula bixi doonaye, halkuu ku socdo waa la arkaa, ku soco wadadaas aad goosatay baanan leeyahay oo ku adkayso, halkay kula gashaynu eegi doonaaye, dibna hawga noqon wixii aad samaysay.”

Comments are closed.