Hargeysa: Carwada oo si rasmi ah u furantay

0
713

Hargeysa(Geeska)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ayaa shalay furay carwada ganacsiga Somaliland oo soo agasimay ururka Somailland Business Fair, waxaana ka qayb galay shirkado isugu jira wadani iyo ajaanib.

6524953439_d80aef705e

Carwadaasi oo ay qaybaha kala duwan ee ganacsigooda ku soo bandhigeen boqol shirkadood, oo todobaatan ka mid ahi ay yihiin sharaa’iga wadaniga ah, halka sodonka kalena ay ahaayeen shirkado ganacsi oo ka socday dalalka jaarka sida Jabuuti iyo Itoobiya.

Shirkadaha halkaas ganacsigooda ku soo bandhigay waxa ka mid ahaa Dahab Shiil, OGF Group,  Somcable, Indha-deero iyo kuwo kale oo tiro badan.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo hadal ka jeediyay furitaanka carwadaasi ayaa sheegay in ay wax lagu farxo tahay in carwo noocan oo kale ah ay ganacsatada Somaliland iyo kuwo ajnabi ahi ay ganacsigooda ku soo bandhigaan, laguna qabto dalka guddihiisa, isaga oo madaxwayne ku xigeenku tilmaamay in taasi ay muujinayso dadaalka ay dadka Somaliland ugu jiraan horumarinta dalkooda.
waxaanu yidhi “runtii farxad wayn bay inoo tahay dhamaanteenba dadka reer Somaliland, carwadan qiimaha iyo qaayaha leh in aynu ka soo qayb galno, taasi oo muujinaysa dadaalka ay dadka reer Somaliland ugu jiraan horumarinta dalkooda, sida aad la socotaan Somaliland muddo labaatan sano ah ayaynu isku tashi halkan ku soo gaadhnay,cid kasta oo inaga mid ah ama aqoon yahan ha noqoto, ama ganacsade ha noqoto, dalka waxbay ku soo biirinayeen, talaabo kasta oo qiimo iyo horumar leh oo aynu qaadnaa waxay inoo dhawaynaysaa ama inoo soo jeedinaysaa indhaha beesha caalamka, waxaynu wax ka bilawnay meel hoose iyo dal burburay, maantana runtii waxaynu joognaa maalin ama wakhti lagu faani karo, oo aynu dalal badan oo kursiga jamciyada quruumaha ka dhaxaysa fadhiya aynu kaga horayno dhinaca ganacsiga, xagga dimuqraadiyada iyo xagga nabad geliyadaba.”

Madaxwayne ku xigeenku waxa uu si balaadhan ah ugu mahad naqay cid kasta oo ka shaqaysay in carwadaasi ay qabsoonto, isaga oo si gaar ah u xusay dhalinyaradii sida qiimaha leh uga hawl gelayay carwadaasi “Waxaan aad ugu mahad naqayaa dhalinyarada sida fiican u soo soo agaasimay hawshan ee isku xilqaamay in ay qabsoonto carwadan quruxda badan leh ee ganacsi, carwadu sida aynu naqaano waxay muujinaysaa waxyaabo kala duwan, mar waa isbarasho oo ganacsatadii ayaa is baranaysa, marna waxay ganacsatdu is baryaan dadka ay ka ganacsanayaan, bandhiguna qiimo wayn buu leeyahay, shirkaduhu iyaga oo kala duwan ayay hadana shirkad walba u baahan tahay shirkada kale waxa ay hayso, iyada oo waxay hayaan ay xayaysiinayaan hadana shirkadaha kale waxa ay hayaan ayay u baahan yihiin oo nin wax walba keenaa ma jiro, sidaas darteed waxaan leeyahay cid kasta oo ummada Somaliland wax u soo kordhisa way ku mahadsan tahay.” Ayuu yidhi Md Saylici.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland waxa kale oo uu sheegay in ay sabab u tahay in ganacsatada Somalilnd horumar balaadhan ku talaabsadaan ganacsiga xorta ah oo muddo labaatan sano ah Somaliland ay ku soo dhaqmaysay, isaga oo xusay in ganacsiga xorta ahi uu isa soofeeyo isla markaana uu faa’iido u leeyahay ganacsatada, waxaanu yidhi “Waxa halkaa ina gaadhsiiyay waa tartanka xorta ah, ee aynu ku soo dhaqanay muddadaa labaatanka sanadood ah, tartanka xorta ahi wax uu wanaajiyo mooyee waxba ma xumeeyo, ganacsigu wuu is dhisaa oo wuu isa soo feeyaa, haddii qolo walba meel uun loo daayo way daxaloobi lahaayeen oo way fadhiisan lahaayeen, markaa tartanka xorta ahi wuxuu keenayaa in qiimahaa aynu maanta gaadhnay keeno, in shirkado badani ay yimaadaan, in ay dadku adeeg jaban ka helaan, wax badan ayuu runtii tartanka ganacsigu keenaa.”
Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md C/rasaaq Khaliif Axmed, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si balaadhan ugu mahad naqay shirkadihii soo qaban qaabiyay xafladaasi gaar ahaana dhalinyaradii hawl wadeenada ka ahaa xafladaasi wax qabadka ay sameeyeen waxaanu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhalinyarada hawshani soo qaban qaabiyay, waxaan idin xasuusinayaa shacbi kasta oo yimaada waxa salka u ahi waa dhalin yarada, xukuumadana siyaasadeedana waxaa ka mid ah dhiiri gelinta dhalinyarada iyo sidii loo horumarin lahaa, dhinac kasta oo ay noqotaba haday noqoto xag wax barasho, haday noqoto dhinaca waxbarasha iyo dhinaca fikir kaba.” Carwadan ayaa socon doonta saddex maalmood.