Madaxweynaha Oo 18 Xubnood U Magacaabay Ictiraaf Raadinta Somaliland

0
630

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa 18 xubnood u magacaabay ictiraaf raadinta, oo ah qodobka koowaad ee ay umadda reer Somaliland ka sugayaan Madaxweyne Siilaanyo oo lix sannadood talada haya.

Guddi la magaacabay

Ictiraaf raadinta ayaa ah qodobka koowaad ee uu xisbi kastaa marka uu doorashada galayo ku galo ololaha doorashada. Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Shamax), ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu xubnahan u magacaabay ka midho dhalinta ictiraaf raadinta Somaliland, sidoo kalena wuxuu weydiistay inay ka soo tallo bixiyaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahayJSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. 

Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta ayaa u dhignayd sidan:

Ujeeddo:       Magacaabid Guddi

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas'uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).

1.       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah Guddoomiye

2.       Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada

3.       La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia

4.       La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda

5.       Wakiilka Wareega ee Somaliland Mudane, Raabi Axmed Mohamed

6.       Wakiilka Somaliland ee Turkiga Mudane, Cali Axmed Cismaan

7.       Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Marwo, Edna Aadan Ismaaciil

8.       Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Prof. Maxamed Siciid Gees

9.       Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

10.   Wasiir Hore, Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

11.   Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed

12.   Professor, Macalester College, Minnesota Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

13.   Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax

14.   Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac

15.   Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe

16.   Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida Mudane, Axmed Daahir Jirde

17.   Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

18. Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas'uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.”