Madaxweynaha Masar Iyo Wafti Tegey Kuweyt Oo Lagu Eedeeyey In Ay Moobil Wasiir Xadeen

0
511

Picture2Qahira (Geeska)-  Tan iyo markii uu xukunka dalka Masar qabsaday madaxweyne Cabdifataax Sisi oo afgembi xilka kaga tuuray madaxweynihii ugu horreeyey abid ee dalkaas si dimuqraadi ah loogu soo doorto,  safar kasta oo uu u baxo waxaa hadhaynayey mawqifyo ceeb iyo xaqiraad u soo jiida isaga iyo dalka Masar oo muddo la sii hadal hayo. Waxaana u dambeeyey fadeexad dhacday safarkii ugu dhowaan madaxweyne Siisi ku tegey dalka Kuweyt  oo isla markii uu garoonka diyaaradaha ee dalkaas ka soo ambabay shabakadaha internet ka iyo bar-kulannada ay ku kala war qaataan dadka reer Kuweyt iyo Masar lagu baahiyey warka sheegaya in wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee dalka Kuweyt daqiiqado yar kadib markii uu hab-siiyey madaxweyne Siisi oo uu ku sii sagootiyey garoonka diyaaradaha in uu waayey talefankiisii gacanta oo ahaa IPhone cusub.

Degel Internet ka ah oo laga leeyahay dalak Kuweyt ayaa baahiyey in dabagal lagu sameeyey adeegga raadinta iyo dabagalka ee talefankan wasiirka lagu ogaaday in markii ugu dambaysay uu yaallay degmada Al-Jiisa ee magaalada Qaahira, xarunta dalka Masar. Isla markiiba kooxaha internet ka dhex ol’oleeya ayaa barkulanka Twitter ka sameeyey bog ay u bixiyeen, “Waftiga Masar waxa uu soo xaday talefankii gacanta ee wasiir Kuweyti ah” waxaana durbadiiba laga bixiyey faallooyin iyo sawirro xaqiraad iyo dhalleecayn u badan oo lagu naqdiyayo madaxweyne Siisi. Sawirrada boggan la soo dhigay waxaa ka mid ahaa, Sawirka Maxaweyne Siisi oo gacanta kula jira jeebka mid ka mid ah masuuliyiintii reer Kuweyt ee garoonka diyaaradaha ku sii sagootiday. Sidoo kale waxaa ku jira sawirka wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kuweyt Janaraal Maxamed Ibraahiim oo la xanshaashaqaya madaxweyne Siisi, waxaana lagu kor qoray ereyo malo-awaal ah oo ah wasiirka oo ku leh Siisi, “Mobilkii Kuweyt waxa aan ka biiyey boqorka Urdun oo isaga oo aan wadan xadhigii dabka (Charger) aan ka siiyey 500 oo Gini (Lacagta Masar, waxa ay u dhigantaa $70), waxa aan necebahay dabagalka lagu ogaado talefannadan halka lagu hayo, markaa ku ku daba jira, ha u soo baxdo in uu yaallo degmada Betraa’ ee dalka Urdun”, Sawirka warka ugu weyni uu raacay ee ka muuqda faallada iyo sawirrada boggan twitter ka ahi, waa Muftigii hore ee dalka Masar, Dr. Cali Jumcah oo aad u taageera madaxweyne Siisi, qof ka mid ah dadka boggan wax ku qoray ayaa inta uu sawirka Sheekha soo qaatay waxa uu ku dul qoray ereyadan oo uu ka dhigayo in uu Sheekhu yidhi, “Waa uu barakoobay, (Janno helayaa) qofka Mobil xadaa, waa tuug adkaaday oo ay waajib tahay in laga aamusaa”

Qof kale ayaa sawirka Siisi ku dul qoray, Taariikhdu waxa ay ka marag kici doontaa waftiga Masar oo lix saac gudahood Moobil ku soo xaday” isaga oo beddelay ereyo uu hore u yidhi madaxweynihii hore ee dalka Masar Anwar Saadaat oo ahaa, Taariikhdu waxa ay qori doontaa in dalka Masaru u lix maalmood gudahood ku guulaystay, dagaalka Israa’iil.

Mid kale oo dadkan ka mid ah ayaa isaguna waxa uu warkan u dhigay sida cinwaanka wararka waxa aanu yidhi, “Masuulkii reer Masar ee soo xaday Moobilka wasiirka Kuweyt ayaa xukuumadda dalka Kuweyt ugu baaqay in loo soo diro xadhigii dabka (Charger) ee talefankan.

Haddii ay marka hore sheekadu ku ekayd dhalinyaro iyo dad aan badankooda la aqoonsan cidda ay yihiin oo arrintan ka hadlaya, waxa ay ta ugu darani dhacday markii uu xildhibaan Waliid Ad-Dabdabaani oo ka tirsan golaha sharci dejinta ee dalka Kuweyt uu si cad u qoray, “Dadkani (Madaxweynaha Masar iyo raggiisu), dalkii Masar oo dhan ayaa ay xadeen, markaa wax fog ma’aha in ay xadaan talefanka gacanta” Dad badan ayaana xildhibaanka ku raacay oo qoray, “Qofka waddan dhan xaday, miyaanu talefanna xadayn?” halka Sheekha caanka ah ee Xaamid Al-Cali oo reer Kuweyt ahina uu ka qoray, “Waa markii ugu horreysay taariikhda dalka Kuweyt ee wasiir uu ku qasbanaado in uu soo saaro war-saxaafadeed rasmi ah oo uu ku sheegayo in wafti siyaasiya oo carbeed (Oo heer sare ah) aanu ka xadin talefankiisii gacanta”

Maxamed Mustafa oo ah siyaasi ka tirsan dhaqdhaqaaqa 6 April ayaa isna sheegay inkasta oo arrintani ay dacaayad iyo kaftan u muuqato, haddana in ay dalka Masar u xambaarsan tahay xaqiraad weyn.  Siyaasigan oo la hadlay Al-Jazeera ayaa ku dooday in arrintan ay u baahan tahay in Siisi uu baadhis degdeg ah ku sameeyo, waayo waxa ay sawir ka bixinaysaa caqliyadda ku jirta ragga khusuusida ah ee Siisi ka ag dhow.

Afhayeenka dhaq-dhaqaaqa “Masar Ha Noolaato” Maxamed Cadiyah ayaa isna sheegay in uu aad ula yaaban yahay waxan dhacay, isaga oo u waramayey Al-Jazeera ayaa uu Cadiyah sheegay in arrintani ay xaqiijinayso in dadka ku xeeran madaxweyne Siisi, ay ku jiraan kuwo aan qaddarinayn masuuliyadda saaran, oo ku mashquulsan dano shakhsiya oo aad u yaryar.

Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda wararka ee Al-Jazeera waxa uu intaas ku daray, in warbaahinta dalka Masar ay ku guul-darraysatay in ay qariso ama hoos u dhigto warka dadkan sida ba’an u weeraraya madaxweyne Siisi, sidoo kale, waxa aan waxba beddelin, beeninta wasiirka reer Kuweyt ee sheegay in talefankiisii gacanta aan la xadin isaga oo u duur xulaya in uu eedaha ka fogeeyo waftiga madaxweynaha Masar.  Waxaana illaa hadda sii socda faallooyinka iyo qoraallada xaqiraadda ah ee sida dhibicda ugu horraya madaxweyne Siisi iyo waftigii la socday safarkii uu ku tegey dalka Kuweyt.

Degel kale oo loo bixiyey Cabdifataax Siisi oo isna lagu xaqirayo madaxweynaha dalka Masar, ayaa lagu qoray ereyo loo ekeysiinayo in madaxweyne Siisi uu ku khudbadeeyey isaga oo ka hadlaya arrinta talefanka gacanta ee la xaday, waxaana hadalladiisaa ka mid ahaa, “Ma dhaaranayo anigu, laakiin Ilaahay baan ku dhaartay ee ma’aan xadin talefankaas. Haa,  waa run in anigu aan dal dhan xaday, laakiin Moobil ma’aha wax i aamusiin kara”

Dadka taageera Cabdifataax Siisi ayaa markii dambe iyaguna dagaalka soo galay oo aad u ammaanay madaxweynaha, waxa aanay eedda warkan iyo eedda cidda sheekadan faafinaysa dusha ka saareen ururka Akhwaanul-Muslimiin ka oo ay sheegeen in ay iyagu arrintan faafinteeda wadaan. Waxaa iyaguna jira dad aad u badan oo isu dhigay in ay arrintan dhex-dhexaad ka yihiin, kuwaas oo qoraalladooda ku muujinaya in ay ka xun yihiin waxa dhacay iyo guud ahaanba xaaladda foosha xun ee uu dalka Masar marayo. Si kastaba ha ahaato ee waxaa la saadaalinayaa in madaxweyne Siisi uu arrintan oo si aad ah u faaftay hadal haynteeduna hadhi weyday ka furo baadhis qoto-dheer.