Madaxweynaha Iyo Xisbiyada Qaranka Oo Gaar Gaar Ah Ula Kulmay Wefti Ka Socda Dawladaha Beesha Caalamka Ee Somaliland Ka Taageera Doorashooyinka

0
454

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaanka Xisbiyada Qaranka, ayaa si gaar gaar ah ula kulmay Wefti ka socda Dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo Horumarinta Nidaamka Dimuqriyadda.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ay ka mid yihiin safiirrada dalalka Norway, Sweden, Finland, Denmark iyo Midowga Yurub iyo madaxa xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Hargeysa oo ay weheliyaan masuuliyiin sarsare oo ka socda safaaradda Jarmalka iyo xafiiska horumarinta ee UK. Waxaana kulankaa lagaga wada-hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland, xaaladda abaareed ee dalka ku sii baahaysa, Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad (NDPIII), iyo doorka beesha caalamku ka geysan karaan fulinta qorshahaasi, arrimaha nabadgelyada mandaqadda Geeska Afrika iyo kaalinta Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo wadashaqayn in sannadkani lagu hawl-galo lana dardar-geliyo hawluhu siday u kala muhiimsan yihiin una kala mudan yihiin. Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Safiirka Somaliland ee Kenya.”

Sidoo kale, Weftiga ayaa isla Shalay kulan la yeeshay Hoggaamiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE.

War qoraal ah oo ay soo saareen WADDANI iyo UCID, ayaa lagu yidhi  “Hoggaanka sare ee labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa kulan la qaatay wefti culus oo ka socday Waddamada Beesha Caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda iyo horumarka oo Hargeysa ku sugan. Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan ee sanadkan 2022 si habsami leh wakhtigooda ugu qabsoomi lahaayeen, isla markaana loo dardar gelin lahaa dhammaystirka wixii caqabado ah.  Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii dhakhso loogu bilaabi lahaa hannaanka u diyaar garowga doorasho ku dhacda waqtigeedii oo ay ugu horreynayso nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo muhiim u ah doorashooyinka. Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ayaa sida oo kale weftigan oo isugu jira Safiirro iyo madaxda hay’ado kala duwan kala hadlay sidii Beesha Caalamku gacan weyn uga gaysan lahayd gurmadka xaaladda abaaraha ee Somaliland ka taaggan xilligan.

Kulankan ayaa inta badan isku aragti lagaga ahaa arrimaha lagaga hadlay ee abaaraha iyo doorashooyinku udub dhexaadka u ahaayeen.”

Sidoo kale, Weftiga ayaa kulan kaasi la mid ah la yeeshay hoggaanka sare ee Xisbul-xaakimka KULMIYE.

Geeska.net/Hargeisa Office