Dacwadii Kenya Iyo Soomaaliya Ee Badda Oo La Cayimay Wakhtiga Ay Furmayso

0
960

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda ICJ ee caalamiga ah ayaa mudaysay wakhtiga ay  dhagaysanayso wareega labaad ee dacwadda badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya. Dacwada ayaa la dhagaysan doonaa sida ay maxkamadda ICJ sheegtay 9-13 september. ICJ ayaa sheegay in kulanka koowaad oo ah dhagaysi uu dhici doono 9 September oo ah marka ay Soomaaliya soo bandhigayso doodeeda, Kenya ayaa iyaduna 11 september ka jawaabi doonta.

Geesta kale dawladda Soomaaliya ayaa ka diiday guddiga Midowga Afrika martiqaad ay u direen oo ahaa inay golaha uga warbixiso khilaafka dhinaca badda ee kala dhexeeya Soomaaliya, waxaanay dawladda Soomaaliya sheegtay in laga warsugo go’aanka maxkamadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here