Cali-Gurey Oo Daahir Rayaale Iyo Axmed Yuusuf Yaasiin Ugu Baaqay Inay Is Casilaan, Si Xisbiga UDUB Loo Badbaadiyo, Kana Hadlay Siyaasadda Wadanka

0
708

 

gurayHargaysa( Geeska )-Afhayeenka xisbiga UDUB Md.  Cali Maxamed Yuusuf ( Cali Guray ), ayaa ka dayriyay xaaladda xisbigii talada dalka mudada dheer soo hayay ee Udub, Cali Guray waxa uu sheegay in xisbigii Udub  uu ku dhawyahay inuu burburo, waxaanu u soo jeediyay hoggaanka xisbiga Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf inay sida ugu dhaqsaha badan isku casilaan, si badbaado loogu raadiyo xisbiga Udub.

Cali Guray waxa kale oo uu ka hadlay kulankii ay Dubai ku yeesheen madaxweyneyaasha Somaliland iyo Somaliya, kulankii dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo hoggaamiyaha ururka SSC Xaglotoosiye, waxa uu ku tashaday haddii xisbiga Udub meesha ka baxo iyo arimo kale oo aad muhiim ah.

Cali Maxamed Yuusuf waxa uu dhamaan arimahan kaga warmay mar uu si wadajir ah ugu warmayay wargeyska Geeska Afrika iyo shabagada Hadhwanaagnews, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Xisbigii Udub xawlal-mariidka ayay maraysaa naftii, ma ka baxday iyo ma ku jirtaa ayaa runtii Udub laysku hayaa, waataad ogaydeen oo labadii nin ee ugu sareeyay xisbiga oo sideed sanadood madaxweyne iyo ku xigeen isku ahaa waa kuwii gaadhay inay maxkamad isla galaan, waxa nasiib daro ah sideedaas sanadood ee ay labada masuul ee qaranka ugu sareeya ahaayeen maalin kaliya iskumay qabsan danta qaranka, waar kadaa ismay odhan, markii labadoodaba ay xilkii ka dageen ee ay dabada joogaana waxay isku qabsadeen Udub taladiisii.” Ayaa uu yidhi Cali waanu sii watay hadalkiisa “ Anigu lix bilood kaidb markii uu xilka wareejiyay Rayaale waxaan soo jeediyay fikir layidhaahdo Udub la aslay, waxaanan sheegay inuu Udub laba mid u dhacaayo, in Udub la aslay uu noqdo oo Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusufba ay xilka ka dagaan, golahiisii dhaxe la keeno, hoggaan cusubna si dimuqraadiya laysaga dhexdoorto oo markaas u hawlgalo sidii uu mustaqbalka u soo ceshan lahaa kaalintii uu ku lahaa xukunka, hadii taas la diido waxay noqonaysaa udubkii oo caaryaystay oo la diido inla-aslo, iyadana waa la yaqaanaa oo waxa uu noqonayaa Udub xargalay, markaas bahalkii xarbaa dalooliyay.” Waa uu siitay hadalkiisa, waxaanu yidhi “Kolayba anigu waxaan ku talinayaa in Daahir Riyaale loo daayo hadaanu ka dagayn xilka, waxanu arki jirnay xisbiyo ay dadku ka baxaan, laakiin Udub waxa uu noqday xisbigii ugu horeeyay ee isagu dadka ka baxa, markaas bahweynta Udub dhibaatada haysataa waxa weeye xisbigoodii isagaa ka baxay. Hadii ay wadatashanayaan iyo hadii ay kala tashanayaanba xaqiiqada hortooda taala waxa weeye meeshii xisbi uguma jiro.”

Cali Guray wax uu talo ku soo jeediyay in ay hoggaanka xisbiga iska casilaan Daahir Riyaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, si loo badbaadiyo xisbiga oo uu ku tilmaamay in uu saaxada siyaasada ka baxaayo“Waxa laga sugaa waxa weeye in la sii xumeeyo uun Udub, rajada ugu dhaw iyo talada aan anigu aan halkan ka soo jeedinayaana waxa weeye in Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin labaduba ay xilka Udub ka dagaan oo ay u ogalaadaan bahweynta Udub inay dib u tashadaan maalmaha yar ee u hadhay, bal in Udub waxuun laga badbaadin karaayo, haddii ay taas diidaan oo aanay ka bilaabin inay todobaadkan xilka ka dagaan ama sadeda casho ee soo socda hadaanay is casilin oo sidaas yeelin, waxaan ugu baaqayaa bahweynta Udub intaan la kala tashan in la wada tashado oo aan talo qudhaata kumeelmarno oo aynu wax la qabsano cidii kale ee ay inoo suurto galtahay in aynu wax la qabsano.”

Cali Guray oo aan su’aalanay balwaxa uu yeelaayo haddii xisbigii Udub oo burburo ayaa noogu jawaabay “Xaalku haddii uu noqdo markabkii Titanic ee qarnigii hore horaantiisii ugu waynaa kolkii uu buurta barafka ah ka soo go’ay, wax la boobay bahalahan badda lagaga baxo, intii illaahay badbaadinayay ayaa badbaaday, intii kalena badaa liqday, anigu Kulmiyaan ka baxay oo inaan Udub ka baxo ma jecli, laakiin haddii uu Udub iga baxo, cidii I qaadataba waan iska raacayaa.”

Intaas kadib waxa uu Cali Guray ka hadlay aragtidiisa ku waajahan kulankii ay dhawaan Dubai ku kulmeen madaxweyne yaasha Somaliland iyo Somaliya iyo tubta ay wadahadaladu ku socdaan“Wada hadalada ilaa iyo hadda waxaynu ku haynaa laba kulan oo muhiim ah, oo midi ahaa kii London ee labada dhinac ay sideeda qodab ku soo saareen, kan ka dhacay Dubai-na waxa aad mooda arinta ugu muhiimsan ee dhinaca madaxweyneyaashu inay ahayd, in la taageero heshiiskii London oo laguna go’aamiyo in wada hadalda la sii wado. Markaad qodabka Sideedaad  ee heshiiskii London eegto Somaliya waa ka run inay wada hadalka ka rajeeyaan inay Somaliland u soo noqonayso, waxa uu si cad qodabkaasu u cadaynayaa jihada ay u socdaan wada hadaladu, laba jiho oo sii kala jeeda ayay ahaayeen mawqifyada aynu kala taagnayan kulankaas Londona waxa uu heshiisku ahaa in qodabada inta laysla ogalaan karo oo kaliyaata in laga wada hadalo, dibna loo dhigo waxii qodobo ah ee laysku khilaafsan yahay.” Ayaa uu yidhi, waxanu raaciyay “Nasiib daro todobada qodob ee hore waa kuwo loo wada siman yahay, hadday tahay dhinaca dhaqaalaha, haday tahay dhinaca nabadgalayada iyo hadday tahay dhinaca sii wadida wada hadaladaba, meel allaale iyo meel uu ka yimi la garan  maayo qodobka sideedaad oo ah in dasruurkii qabyo qoraalaka ahaa Somaliya uu dhaqan gal noqdo, macnaa haddii uu dhaqan galona dawlada ku timaadaa waxay noqonaysaa dawlada aan kumeel gaadh ahayn, Somaliland waxay taageertay waa waxaas. Maalin maalmaha kamid ah iyo marxalad kamid ah maraaxilka wada hadalku gali doonaan ayaana ka marag kici doonta waxan aan anigu leeyahay iyo waxa ay qoladan xukuumadu ku fasirayaan ee ah in aanay Somaliland gorgortan galayn, hadana imikaba gorgortan la galiyay gooni isku taagii Somaliland, waxay ku dacwiyidoonaan Somaliya in hore ay Somaliland u taageertay dastuurkan Somaliya ay kaga baxday ku meelgaadhka, ayna Somaliya xaq ugu leedahay Somaliland inay ixtiraamto dhamaan qodobada uu ka kooban yahay dastuurkaas, dastuurkaasna waynu ognahay oo Lawyacado waxay ku jirtaa Somaliya.” “Afka baarkiisa markay ka hadlayaan qoladan wasiirada ah uma haystaan sababo ay ku cudurdaaraan waxay ay sameeyeen iyo masiiirkan umadda ee iyagu halka ay doonayaan la mareen, waxyna yidhaahdaan waxaynu la qabnaa dunida, qodabkan inaynu taageerno Somaliya ka baxi taankeeda ku meelgaadhka, laakiin nasiibdaro su’aasha aan waydiinayaa waxay tahay miyuu jiraa wadan kale oo dunida kamid ah oo Somaliya ay ku dacwoonayso in dhulkeedu uu ku jiro xuduudaha Somaliya,  mise waa Somaliland oo kaliyaata, waa Somaliland oo keliyaata, maadama oo ay Somaliland oo kaliyaata tahay Somaliland waxyaabo badan ayay kaga duwanaan kartaa mawqifkaas Dunida.”

Ugu danbayntii waxa uu Cali Guray si buuxda u taageeray wada hadalkii nabadeed ay galaan madaxweyne Siilaanyo iyo hogaamiyaha kooxdii SSC Xaglatoosiye, inkasta oo uu Cali haddana war war ka muujiyay sida loo fulin doono heshiiskaas nabadeed “Arintaas waa tii aan  geed dheer iyo mid gaabanba ugu taagnaa ee ay dayacday xukuumadu ee ay ka meermeertay, xalka bariguna haddaan saamiqaybsiga runta ah ee ay Dhulbahante ku leeyahiin Somaliland aanu madaxweynuu Siinin meel laga  hagaajin karo garan maayo. Laakiin anigu qodobkaas boqolkiiba boqol waan soo dhawaynayaa, waanan taageersanahay, inkasta oo aan aad ugu warwar qabo, waayo kabtanka kooxdani waa wasiirka madaxtooyada ee Xirsi la yidhaahdo ee odaygu talo badan uma galo, marka uu waxaasu soo galo gacantiisana sida uu xaalku noqon doono la garan maayo oo waxii Buuhoodle ka dhacay ayaa la ogaa, ciidamadda la sameeyay baa la ogaa ee khasaaraha badan gaystay, haddii taladu noqoto talo inan kaasu walaaqanayana waxa laga yaaba inay uga sii darto xaalada bariga, haddiise dad hagaagsan oo taariikhda garanaaya meesha loo dirana waxa ay noqon doontaa wax wanaagsan.”

Cali, wuxuu yidhi “Waxa aan ka dhagaystay shabagada Hadhwanaag waraysi uu siiyay ninka la yidhaado Maxamed Khaawe oo ah oday wayn oo reer Somaliland ah oo Dhulbahante ah,  aad baanan u taageeray sida ninkaasu uu arimahaas uga sheekeeyay, waxa uu sheegay in uu Khaatumo laftigeeda isagu ahaa maskaxdii ka danbaysay,waxa uu la hadlay Siilaanyo oo ay aqoondheer isku leeyahiin, waxa uu la hadlay reerka Isaaqa la yidhaahdo, waxa uu tilmaamay wadooyinka nabada, waxa uu tilaamay waxa qaldan, waxa uu tilmaamay tabashooyinka, ilaa maalinkaas maanta ah cid ka hoos qaaday hadalkiisii ma jiro waana nasiib daro.”

Cali Maxamed Yuusuf  waxa uu ugu danbayntii ku hanbalyeeyay beesha Habaryoonis shirka ay ku leeyahiin buurta Daalo, waxaanu sheegay in shirkaas uu ka rajaynaayo wax dalka iyo reerkaba anfacaa inay ka soo baxaan.