Maayarkii Degmada Qoryaale Ee Togdheer Oo Xalay La Dhaawacaay

0
838

 

Burco(Geeska) Maayarka degmada Qoryaale ee gobalka Togdheer Bile Jaamc Muuse ayaa dhaawacmay ka dib markii uu nin hubaysani shalay fiidkii toogtay.   Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay  taliyaha ciidamda booliska ee gobalka Togdheer Saleebaan Ducaale Ubaxle ( Dhaga Cade).

Taliyahu waxa kale oo uu sheegay inay haatan ciidamadu raadinayaan ninkan oo aan gacanta ciidamada booliska soo galin, balse waxa uu xaqiijiyay magaca ninka ku eedaysan in uu gaystay toogashadaas. Waxanu taliyahu yidhi “Wakhtigii afurada kahor ayaa la dhaawacay maayarka dagmada qoryaale, waxaana dhaawacay mid kamida shacbiga dagmada Qoryaale ee uu mayarka ka ahaa, eedaysanahaas waxa la yidhaahdaa Aadan Axmed Jaamac ( Bilcil ), eedaysanahaasna wali baadi doon ayuu boolisku ugu jiraa, maayarkiina adinka midig ayaa uu ka dhaawacan yahay waxaana lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee Burco meel ruuga hoostiisa ah ayaanay kaga dhacday xabadu, wali ma xaqiijin karno waxa maayarka iyo ninka toogtay ka dhaxeeyay”

Maayarka ayaa lagu daawaynayaa cisbitaalka guud ee magaalada Burco waxaana sida lagu soo waramyo maayarka lugta ka gaadhay dhaawac culus,