New York (Geeska)- Kulankii guud ee jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo ay sannadkiiba hal mar oo bisha September dabayaaqadeeda bilowda ay isugu yimaaddaan dhammaan dalalka xubnaha ka ah si looga arrinsado la isagana warramo xaaladda guud ee dunida iyo ururka, inta badanna ay hoggaamiyeyaasha dunidku ka jeediyaan khudbado, ayaa sannadkan waxaa ka dhacay arrimo doodo iyo muranno diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed abuuray.
Dhacdooyinkaas tii ugu guuxa badnayd waxa ay ahayd markii si kedis ah oo dhammaan xubnaha madasha fadhiyey yaab ku noqotay loo joojiyey turjumaaddii tooska ahayd ee lagu samaynayey khudbadda madaxweynaha dalka Argentina Cristina Fernandez de Kirchner oo markaas iyadu kalkeedii jeedinaysay khudbadda dalkeeda, waxaa sidoo kale go’ay qalabkii laliska tooska ah ku samaynayey khudbadaha madaxda madashan ka hadlaysa ee ay baahinayeen talefishannada iyo warbaahinta kale dunidu.
Waxaa markiiba bilowday mawjado wax-is-weydiin iyo doodo ah oo la xidhiidha sababta dhabta ah ee keentay in turjumaadda iyo baahinta tooska ahi go’aan, madaxdii kala duwanayd iyo dhammaan dadkii la socdayna waxa ay isweydiinayeen in arrintu ay tahay mid farsamo iyo in ay tahay mid sirdoon oo si badheedh ah loogu kacay.
Sida uu sheegayo warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay BBC qaybteeda Afcarabiga iyo wakaalado kalana waxa ay u dhowdahay in ay tahay arrin sirdoon.
Warbaahinta, xeeldheerayaasha siyaasadda ee la socday kulanka guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa, iyo dhammana dadkii arrintan danaynayey ayaa durbadiiba bilaabay in ay isweydiiyaan hadallada ay jeedisay madaxweyne Cristina Fernandez de Kirchner ee kallifay in tallaabadna lagula kaco.
Baadhis iyo ka dabatag lagu sameeyey khudbaddan oo iyada oo qoraal ah lagu baahiyey bogga Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa waxaa caddaatay in haweenaydan 62 jirka ah ee Siddeedii sano ee u dambeeyey ka talinaysay dalka Argentina ee Koonfurta Ameerika ay si lama filaan ah daaha uga rogtay is-diidooyinka tirada badan ee ku jira siyaasadda caalamiga ah ee maanta dunida ka socota, haddii ay tahay qaabka qaabka uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u galo arrimaha caalamiga ah iyo haddii ay tahay siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka.
Cristina Fernandez de Kirchner oo lagu tilmaamo gabadh hal-adayg iyo firfircooni u dhalatay ayaa si gaar ah weerar adag ugu qaadday go’aanka Qaramada Midoobey iyo siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan argagaxisada iyo qadiyadda Bariga Dhexe, waxa aanay iska weydiisay su’aalo wax-ku-ool ah, qodobbada ay Marwo Cristina Fernandez de Kirchner soo bandhigtay oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay kuwaada ugu muhiimsanaa waxa ay ahaayeen sidan:
– “Hal sano muddo hadda laga joogo, waxa aad u arkayseen (Qaramada Midoobey iyo Maraykanka iyo dalalka taageera) in nidaamka madaxweyne Bashaar Al-Asad uu yahay argagaxiso, waxa aanad taageerayseen mucaaradka ka soo horjeeda oo aynu ku tilmaamaynay, Kacdoon dadweyne. Maantana, waxa aynu kulankan isugu nimid innaga oo doonayna in aynu xakamayno kacaankaas. Waxaa dib ka caddaatay in kooxaha kacdoonka wada ay yihiin argagaxiso intooda badani ay ku jirto liiska ururrada argagaxisada, imikana ay xag-jir sii noqdeen”
– “Ururka Xamaas beri hore ayaa lagu daray liiska ururrada argagaxisada ah. Imikana waa xisbi weyn oo laga aqoonsan yahay Lubnaan”
– “Waxa aad dalka Iiraan ku eedayseen in uu ka dambeeyey qaraxii lala beegsaday safaaradda Israa’iil ay ku leedahay caasimadda dalkayga ee Buenos Aires sannadkii 1994kii. Baadhitaannadii aanu annagu (Argentina) samaynayna waa ay ku caddaan weyday in Iiraan ay ku lug lahayd”
– “Weerarradii 11ka September kadib, waxaa soo baxay go’aan ah in lala dagaallamo Al-Qaacida, qaraarkaas Qaramada midoobey ayaana lagu xalaalaystay duullaano lagu qaaday dalal, dadkoodiina la laayey iyada oo go’aankaas Qaramada Midoobey marmarsiinyo laga dhiganayo, waxaa ka mid ah Ciraaq iyo Afghanistan, maantana weli labadaas dalba waxa ay la silcayaan dhibaato ka haysta argagaxisadii oo heerkii koowaad ah”
“Waxa aad soo dhoweyseen kacdoonkii la baxay Gu’ga Carabta, markaasaa taageerteen markii uu ka socday Tuuniisiya, Masar, Liibiya iyo meelo kalaba. Islaamiyiin mayal-adag ayaana go’aamadii aad qaadateen iyo soo dhoweyntii aad ku barakaynayseen kacdoonka awgii ku qabsaday xukunkii dalalkan. Illaa maantana dadweynaha dalalkaas waxa ay dhibaato ka haysataa Islaamiyiintii mayalka adkaa ee xukunka yimid, iyo xorriyadahoodii muwaadinnimo oo lagu dheel-dheelayo”
– “Weerarkii iyo garaacistii lagu qaaday Qaza waxa ay qaawiyeen foolxumada masiibada ay Israa’iil geysatay, waxaa dhintay maato badan oo Falastiiniyiin ah, haddana waxa aad ku mashquusheen oo danayseen gantaalihiii lagu tuurayey Israa’iil ee aan raadaynta yeelan wax khasaare ahna aan u geysan Israa’iil”
– “Maanta waxa aynu isugu nimid, si aynu u soo saarno go’aan aynu dembiilayaal kaga dhigayno ururka DAACISH, kulana dagaalamayno, innaga oo haddana og, in Daacish ay taageeraan dawlado la garanayo oo idinka iyo qayrkiinba aad garanaysaan, waxa aanay maanta DAACISH xulafo la tahay dawlado waweyn oo xubno ka ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey”
Hadalladan sida dhimbiisha u gubay dhinacyo badan oo uu taabanayey ayaa sabab u noqday in si kedis ah loo joojiyo turjumaddii tooska ahayd ee lagu samaynayey hadalka madaxweyne Cristina Fernandez de Kirchner, sidoo kale waxaa la jaray baahintii tooska ahayd ee warbaahinta gaadhsiinaysay khudbadaba madaxda dunidu ka hor jeedinayeen kulanka guud ee Qaramada Midoobey. Taas oo farsamo ahaan ay masuuliyaddeeda leedahay Qaramada Midoobey in ay samayso turjumaadda iyo baahinta tooska ah, intii kulankani socdayna aan mar keliya hore u go’in.
Waxa ay arrintani mar kale soo celinaysaa doodda ah in Qaramada Midoobey ay tahay gole u adeega dawladaha awoodda leh ee Maraykanku ugu horreeyo, siyaasadihiisa oo keliyana loo marsiiyo, ciddii ka hortimaaddana si badheedh ah loo tuso in golahani aanu ahayn meel uu ka gudbin karo farriimaha ka dhanka ah siyaasadahaas laba wajiilaynta ah ee reer galbeedku ku qaabileen dunida maanta.