Milicsiga Khudbad Uu Madaxweyne Siilaanyo July 18th, 2009 Ku Difaacay Saxaafadda Iyo Xorriyada Hadalka, Kuna Cambaareeyay Xukuumadii Rayale

0
644

Picture6Hargeysa(Geeska)-Saxaafadda Somaliland waxa ay habeen hore magaalada Hargeysa ka soo saartay bayaan ay kaga digtay halista ku duugan xeer qabyo qoraal ah oo ay wadaan guddiga arrimaha bulshada ee golaha wakiiladu, kaas oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dabada ka riixayso.

Xeerkaas oo ay Madaxtooyadu ku doonayso inay awood dhaqaale iyo mid wakhtiba ku jiidhsiiso golaha wakiilada, wuxuu gebi ahaanba meesha ka saarayaa madaxbanaanida saxaafadda, waxaanu saxaafadda hoos gaynayaa xukumadda, isagoo ka dhigaya hay’ad dawladeed.

Mar haddii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, xorriyatal qawlka u soohayso dabarkaas adag, waxa muhiim ah in la milicsado mid ka mid ah khudbadihiisii u dambeeyay ee uu madaxweyne Siilaanyo xorriyatal qawlka kaga hadlay wakhtigii uu mucaaradka ahaa.  Wuxuu Madaxweynuhu maalintaas uu ahaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE uu cabudhinta saxaafadda ku durayay Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadiisii.

Madaxweyne Siilaanyo, oo shirjaraa’id qabtay July 18th, 2009 oo uu dalka Kenya u tagayay si uu isaga soo dabiibo dhaawac ka soo gaadhay mid ka mid ah lugihiisa ka dib markii uu gurigiisa ku siibtay, wuxuu isagoo saxaafadda ka hadlaya uu yidhi,  “Waxaynu baryahanba ku guda jirnay hawsha u diyaargarawga doorashada, waxa ay markasta Xisbiyada Mucaaridku muujinayeen ama ay ku dhawaaqayeen inaan maamulka maanta jiraa ixtiraamaynin xorriyatal-qawlka mid Saxaafadeed, mid Xisbiyeed iyo mid Qaran toona, oo waataa maantaba lagula dhaqmayo Wariyayaashii Horyaal Xadhiga iyaga oo aan wax dambi ah gaysan iyo Horn Cable TV iyo Saxaafadda Caam ahaan, sidii ay Hay’adda Human Rights Warch ay u faafisay tacadiyada ka dhanka ah bina-aadannimada ee Somaliland ka dhacay 2008 ilaa 2009, taana waxaan leeyahay dawladdu waatii aynu ogayn oo ka waantoobi mayso waxaas.”

Bal hadda u fiirsada, wuxuu Madaxweynuhu maalintaas isagoo hadalkiisa sii wata uu yidhi,  “Laakiin waxaanu leenahay Saxaafadda samirkiinana adkaysta, mabaaddiidiinana haysta. Dawladdana waxaanu ugu baaqaynaa inay si deg-deg ah xorriyadooda ugu soo celiso Wariyayaasha xidhan, waxaana la joogii xiligii ay dawladdu balan-qaaday inay dhibta iyo tacaddiyada ka daysto dadka, markaa waa inay balanqaadkeedaas fulisaa.”

Waayahay Madaxweyne. Maxaa haddaba ka hirgalay hadaladaas. Miyaan loo fasiran Karin hadaladaas Madaxweynaha mid uu kursiga ku fuulayay oo aan xaqiiq ku fadhiyin. Hoggaamiyaha wanaagsani waa midka ka dhabeeya khudbadaha uu jeediyo. Ha inoo joogto in Madaxweynuhu saxaafadda wax taree, miyaanay maanta taagnayn madaxweyne maxaa xukuumadaada saxaafadda ku saliday.?

 

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Siilaanyo waxa shakhsiyadiisa iyo dalkaba sharaf u ah inuu wasiiradiisa u sheego inay dib ula noqdaan dabarka ay saxaafadda u soohayaan, islamarkaana uu dib u xasuusto weedhahaas kor ku xusan iyo kuwo ka sii badan oo uu saxaafadda iyo xorriyada hadalka ku difaaci jiray.