Axmed Cabdi Xaabsade Muxuu Yidhi?

0
818

eeeeeeeeeeeeeeeHargeysa(Geeska)-Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa soo jeediyay in shacabka reer Buhodle lagu waajaho wada hadal si loo soo ceshado quluubtooda, waxaanu sheegay inaanay arrintu meel fog taagnayn ilaa uu dhacay dagaalkii u dambeeyay ee Buhodle ka dhacay, waxaanu sheegay inay ilaa hadda jirto fursad arrimahaas wax lagaga qaban karo haddii wada hadal lala galo dadkaas oo uu sheegay in la khalday.

Wasiir Xaabsade, oo u waramay wargeyska afka dawladda ku hadla ee Dawan, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay shirka ay dawladda Ingiriisku qaban qaabinayso, isagoo aragtida xukuumadda ku sheegay inay dadkeeda dhagaysanayso.  Wasiir Xaabsade oo uu Wargeysku weydiiyay  xaalada deegaanada Buuhoodle ee khamiistii la soo dhaafay dagaalku ka dhacay, waxa uu yidhi “Arrimahaasi aad iyo aad ayay u qasan yihiin waa la ogyahay oo dagaalo ayaa dhacay, dadkaasi mooraal ahaan way is raaceen, anagu waxaanu qabnaa in wax laga qaban karo oo dawladu haddii ay aad iskugu taxaluujiso la soo celin karayo dadka. Dadkuna meel fog ma jiro waa la khalday oo nin baa khalday. Arrintaasi meel fog may maraynin illaa dagaalkii dambe dhacay hadeerna waxaanu leenahay dib ha la iskugu noqdo halala hadlo dadka oo hala soo ceshado awoodii iyo wixii aynu dalka ku lahayn.”

Wargeyska oo waraysiga wasiirka cadadkiisii shalay baahiyay, waxa uu Md. Xaabsade la  waxa uu ka leeyahay hanjaabado ka soo yeedhay Puntland oo sheegtay inay talaabo qaadayso, waxaanu yidhi  “Anigu ma arko Talaabo hadeer la qaadayo oo aan ahayn in dadka lala heshiiyo oo waxa ugu habooni waa in dadka lala hadlo, Puntland waa dawlad haddii ay nala colaatanto waanu la colaatamaynaa, haddii ay nala dagaalantana waanu la dagaalamaynaa.Anagu (Somaliland) markasta xumaan diyaar uma nihin.”

Md. Xaabsade oo ka jawaabayay macnaha shirka London yeelanayo maadaama oo xaalad xaasaasi ahi dalka ka jirto, wuxuu ku jawaabay, “waxa loo baahanyahay intaan shirkaasi la tagin in wax badan la saxo. Waxaan ku talinayaa anigu labadaas ciidan ee is horfadhiya in la soo kala qaado oo ka dawladda dib loo soo celiyo, iyagana (Maleeshiyo beeleedka) dib ayay markaasi iskaga noqonayaan.”

Hadalka wasiir Xaabsade oo ah siyaasiga ugu culus masuuliyiinta Beelaha Dhulbahanate ee ku jira dawladda Somaliland, ayaa muujinaya in xukuumadda Somaliland ku kala aragti duwantahay sida loo waajahayo arrimaha gobalada bari iyo weliba inaan wada tashi balaadhan laga yeelan dagaalkii dhawaan ka dhacay Buhodle, kaas oo uu wasiirku sheegay inaanay hortii arrimuhu meel fog taagnayn, sida muuqatana waxa uu Wasiir Xaabsade carrabka ku adkaynayaa in arrimahaas lagu waajaho wada hadal si loo hanto quluubta dadka shacabka ah ee ay siyaasiyiinta nabad diidka ahi doonayaan inay ka faa’iidaystaan. Wasiir Xaabsade, oo ah wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo caana ku ah inuu ka jawaabo guud ahaan arrimaha gobalada bari, ayaan ka hadal dagaalkii u dambeeyay ee ka dhacay Buhodle, waxaana bedelkiisa arrimahaas saxaafada uga warbixiyay wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire).