Madaxtoyada Oo Caawimo Gaadhsiisay Qoysas Ay Roobabku Waxyeeleeyeen

0
616

Hargaysa( Geeska )- Madaxtooyada Somaliland ayaa shalay mucaawino gaadhsiisay qoysas ay guryahoodii waxyeeleeyeen roobab culus oo habeen hore Hargeysa ka da’ay.

Roobab laxaad leh oo ka da’ay magaalada Hargeysa ayaa khasaare soo gaadhsiiyey qaar ka mida dadka ku dhaqan xaafadaha Badhka iyo Isha Borama ee degmada Axmed Dhagax.

Roobabkan ayaa khasaare u badan oo hanti ah soo gaadhsiiyey dadka ku dhaqan xaafadaas, iyada oo qaar ka mida guryaha ku yaala xaafadaasi uu roobkii ka qaaday saqafka sare, qaar kalana gabi ahaanba burburiyey.  inkasta oo aanay roobabkaasi ka dhalan wax dhimasho ama dhaawaca wayn hadan waxa ay noqdeen kuwo keenay khasaare maal.

Waxa xaafadahaas booqday xubno ka socday xukuumada oo ay kamid ahaayeen  wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiilada, wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo saraakiil ka socotay dawladda hoose ee Hargeysa. Markii uu weftigani kormeer ku soo maray xaafadaas, waxa ay dadkaas gaadhsiiyeen deeqo lacageed oo inkastoo ay koobnaayeen ay haddana dadkii deegaanku soo dhaweeyeen.

Waxaanay xubnahan gaadhsiiyeen dadkaas dhibaatooyinku ka soo gaadheen roobabka lacago gargaar ah oo ay madaxtooyada ugu soo deeqday dadka waxyeeladu ka soo gaadhay roobabka, iyaga oo ugu danbayntiina bulshada ugu baaqay inay taageero u muujiyaan dadkaas ku guro waayay roobabka xoogan ee ka da’ay magaalada Hargaysa.