Guddoomiye Saleban-Gaal Oo Ka Hadlay Wada Hadalada U Bilaabmay Somaliland Iyo Somaliya

0
603

gaal saleebaaHargaysa( Geeska )-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo muddo laba sanadood ku dhaw  socdaal caafimaad ugu maqnaa dalka Ingiriiska ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Waxa madaarka Berbera ku soo dhaweeyay dad tiro badan oo uu kamid ahaayeen Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Badhasaabka Saaxil, Duqa degmada Berbera , iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo saxaafadda ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka Berbera, ayaa u mahad celiyay masuuliyiintii soo dhaweeyay. Waxanu hadalkiisa ku bilaabay gudoomiye Saleebaan ka waramitaanka caafimaadkiisa“Muddo dheer dalka waan ka maqnaa, xanuuno iska  wada daba yimid ayaa jiray, illaahaay amarkii inaan ka noolahay ayaabaa wax ah idinkana warkiina waan la socday oo dalka iyo dadkuba waa uu wanaagsan ayahay.”

Intaas kadib waxa uu gudoomiye Saleebaan ka hadlay wada hadaladii Somaliland, “Waxaan  ilaahay ka rajaynayaa sidaas maanta aynu u wada wadno inaan guul ku gaadhno, golayaal aynu ka baqi jirnayna waynu ka qaybgalnay oo waa illaahay mahadii, inay soo dhawayso ayaan ku rajo waynahay ictiraafkii dunida oo aynu maruun golayaasha aduunka soo fadhiisano.” Ayuu yidhi.

Intaas kadib gudoomiye Seeleebaan oo ka soo dagay madaarka magaalada Berbera waxa loo soo galbiyay dhanka magaalada Hargaysa, waxaana gawaadhi tiro badan oo soo galbisay ay soo gaadhsiiyeen gurigiisa.