Madaxtooyada Oo Uu Isbedel Muuqdaa Ku Yimid

34
3030

Hargeysa(Geeska)-Tan iyo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la wareegay talada dalka, waxa uu isbedel ku yimid nidaamkii dawladnimo ee dalka oo uu habac aad u ba’ani ka muuqday.

Meelaha uu isbedelka muuqdaa ku yimid waxa ka mid ah xarunta madaxtooyada oo hore u ahayd xarun gelisteedu noqotay mid aad u fudud islamarkaana ay barxadeeda dhoobnaan jireen dad tiro badan oo u socday dano kala duwan oo aan badankoodu xidhiidh la lahayn madaxtooyada.

Laakiin hadda waxa adag in madaxtooyadu uu qof kastaa iska galo balan la’aan, waxaana gebi ahaanba bedelmay nidaamkii ay dadku hore ugu geli jireen ee fududaa. Sababaha ay madaxtooyadu xilligii madaxweyne Siilaanyo u noqotay mid mashquul badan oo ay dhex joogaan dad aan dano rasmi ah u socon, ayaa waxa lagu tirinayaa wasaaradda madaxtooyada oo noqotay wasaarad qaban jirtay shaqo ka duwan midda ay u xilsaarnayd, waxaanay dadka badankoodu u tagi jireen wasiirka madaxtooyada oo uu xafiiskiisu noqday meesha keliya ee loola tago arrin kasta oo gasha xafiisyada kale ee dawladda.

Ka sokow, shacabka; wasiiradii madaxweyne Siilaanyo badankooda ayaa iyaguna xafiiska wasiiradii madaxtooyada ee kala dambeeyay ka dhigay meel mashquul badan iyagoo u iman jiray danihii ay ahayd inay madaxweynaha kala hadlaan.

Laakiin hadda oo aanu weli madaxweyne Muuse Biixi magacaabin masuulka u qaabilsanaan doona arrimaha madaxtooyada oo maamuli doono hawlaha madaxtooyada iyo shaqaalaha madaxtooyada sidii madaxweynayaashii ka horeeyay, ayaa waxay madaxtooyadu u muuqataa mid degen oo uu jawigeedii isbedel rasmi ah ku yimid.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here