Madaxda Sare Ee Xisbiga Waddani Oo Caways Balaadhan La Yeelatay Bulshada Axmed-Dhagax

0
916

Hargeysa, (Geeska) -Gudoomiyaha Ku-meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa kulan balaadhan oo la isku xogwaraystay la yeeshay dhalinyarada aqoonyahanka ah ee degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May ee magaalada Hargeysa.

Kulankaasi oo ay Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde ay ku wehelinayeen Masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan xisbiga Waddani, xilalna ka haya oo ay ka mid ahaayeen Xuseen Axmed Caydiid, Xuseen Aadan Cadde, gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani, Siyaasi Cabdi Haybe, Jamaal xuseen Hurre, cabdixakiim maxamuud laangadhe, eng. Aaden-dhere, Cali Jibriil  iyo Masuuliyiin kale oo dhamaantood ka tirsan xisbiga Waddani ayaa waxa ugu horayn kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waxaanu yidhi “Laba Arimood ayaan ka hadlayaa odayaal kalena way iga dambeeyaan, ta koowaad waxa weeyi ceelka guntiisa ayaan ku jiraaye bal xaalada dalku halkay marayso inaan idiinka waramo.

Waxaad la socotaan hay’adihii dawladu, Baarlamaankii wuu inaga dhintay, Guurtidii way inaga dhimatay, Maxkamadihiina way inaga dhinteen, intaas oo dhana waxa curyaamiyey xukuumada ama fulinta, waad ogtihiinoo waad daawataan, hadii aad ogtihiin markii dekeda la wareejiyey qaabkii loo wareejiyey waad ogtihiin oo waad la socoteen.

Dekedaa dan Somaliland leedahay looma wareejin, waxa jirtay labadii dawladood ee dawladan ka horeeyey aad ayaa ictiraafka loo hadal hayn jiray oo loogu daali jiray, meelbaa la soo gaadhsiiyey, imika wax ictiraaf hadal hayaa maynaan arag, horta halkaas ayaynu ka maraynaa wax.

Dee dalkan waxbaynu ku leenahay, daawadayaal kama noqon karno, hadii aad na leedihiin waaryaadhaheen nimankiinan madaxa cadcad leh ee halkan soo fadhiyaa qaylada iyo buuqa nagala tagoo anagu waanu daawanaynaaye na daaya, dee noo cadeeya anaguna aanu iska nasanee.

Anagu wax shakhsi ah oo aanu doonaynaa ma jiro, waar dalkaa ma badbaadinaa weeyi, dalka waxbaynu ku leenahay daawadayaal ka noqon kari mayno, maalin walba dusheena la isku haysan kari maayo, kaalinteenii way ka maqan tahay.

Dalkan kaalin waynu ku soo lahayn, oo halgankii kaalintii ugu weynayd ayaynu ku soo lahayn, xilkii ugu sareeyey ee SNM-na waynu ka soo qabanay, dawladii ugu horaysayna xilkii ugu soo sareeyey ayaynu ka soo qabanay, intaa wixii ka dambeeyey dee waxa la yidhi mus la meertay oo la ootay ayuunbaynu sidaa ugu dul wareegaynay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani, xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

Sidoo kale waxa isaguna kulankaasi ka hadlay Xuseen Aadan Cade Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-Jeex ee xisbiga Waddani oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa ii farxad ah inaan la kulmo aqoonyahankii reerka oo waliba taageersan xisbiga Waddani, aad iyo aad ayay aniga sharaf iigu tahay, ka dhalinyaro aqoonyahan ahaan waxaan idiin soo jeedin lahaa inaad ka qayb gashaan kolba xisbigu halka uu marayo haday tahay qaybihiisa kala duwan inaydaan meeluun fadhiyin ee aad dhex gashaan oo aad ka qaybgashaan si hadhawna aad uga mid noqotaan.

Degmada Axmed Dhagax iyo degmada 31-ka May waa labada degmo ee ugu horeeya xisbiga Waddani ee gobolka Maroodi-jeex, siiba degmada Axmed Dhagax waa degmada ugu horaysa, qof ka murmi kara oo xisbiga Waddani jooga madaxda uu doono ha noqdo qof diidi kara in degmada Axmed Dhagax ay tahay xaafada ugu horaysa ee xisbiga Waddani.” Ayuu yidhi Xuseen Aadan Cade, gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani.

Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna madashaasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Horta caawa xisbi ahaan ayaynu iskugu nimid dhalinyaro iyo waayeelba, waxa aynu isku sheegaynaana waxa weeyi khasaaraha inoogu sugnaa xisbigii Kulmiye ee aynu ku soo tacabnay, dabeetana inaynu ka tashanaa caqliga saliimka ahi uu keenayo iyo faa’iidada aynu ka rajaynayno xisbiga Waddani, si aynu uga wada dheregno asbaabahaa aynu kaana uga tagnay kana ugu biiray, oo dabadeedna inagoo mid ah aynu dadkeena fariintaa sidaa ugu gudbin lahayn.

Waa laga soo waramay dhaliilaha ay xukuumadu lahayd iyo sida aanay hawlaha qaranka si habsamiya ugu adeegin, gurac mooyaane ilaa hay’adeheedii qaran iyo sida ay deegaankeena gaar ahaanba u dayacday, tusaale ahaan biyo la’aanta halkaa inagu haysa xuduudka ayaa lagaga baxayaa iyadoo jirta.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.