Cali-Sandule Oo Ka Jawaabay Hadal Uu Muuse Biixi Yidhi Oo Uu Sheegay Inay Reer Sool Dhibsadeen

0
881

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bushada Cali Sandule ayaa musharax Muuse Biixi ku dhaliilay inuu dadweynaha reer Sool ka hor sheegay inuu kursiga arrimaha gudaha uga baryay Cali Warancade si uu ugu baneeyo.

Waxa uu Cali Sandule wax lagu xumaado iyo dastuur jabin ku hadalkaas Muuse, waxaanu xasuusiyay xilalka muhiimka ah ee beelaha Sool iyo Sanaag ay ka hayn jireen Somaliland wakhtigii madaxweyne Cigaal.  Mr. Cali-sandule ayaa ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Cali Sandule oo arimahan warbaahinta kala hadlaayay waxa uu yidhi “Aad baan uga xumahay, waxa uu yidhi Muuse kursigaas uu Cali Warancade ku fadhiyay kursi uu leeyahay ayuu ka dhigay, waxaanu nidhi Caliyoow ka deg aniga iyo xukuumadii, halkaas waxa ka baxday sir aad u culus, jabin dastuur, waxa uu kursigaasi u muuqdaa mid reer la siiyay oo uu nin siiyay oo loo baryay, oo la yidhi bal qoladan aynu kursigan siino, kursigaasi waa kursi qaran.”

Wasiirkii hore ee shaqada iyo arimaha bushada oo ka hadlaayay xilalka ay ka qabteen xukuumadii Cigaal waxa uu yidhi”Waxaan ogahay in ninkii la odhan jiray Ina Cigaal uu yidhi Dhulbahante iyo Warsangeli kuraasta ugu waaweyn, arimaha dibada,maxkamada sare, xeer ilaaliyaha guud iyo raxan wasiiro ah inay gacanta ku hayeen inay ugu saami wacnaayeen dadkii Samaliland ku noolaa, marna kumaanan faanin naxariistii jano Alle ha geeyo kaasiba siyaasi qiimo badan ayuu ahaa, nasiib daro ayaan u arkaa Muuse oo ay laba iyo toban casho ka hadhsantahay doorashadii inuu maanta yidhaahdo reer hebelbaan kursi siiyay. Cali Warancade ayaa goobtii ka sheegay waxii masuuliyiinta wax ku lahaa way iga baryeen, waanan garawsaday markii laygu yidhi beeshaas oo qatan ayaanu siinaynaa waa markii labaad, hadalkaasi hadal nala odhan jiray maaha.”

Ugu danbayntii Cali Sandule waxa uu ka hadlay hogaaminta Faysal Cali Waraabe oo ah musharaxa xisbiga UCID”Faysal Cali Waraabe dhawr jeer ayaan dhagaystay oo aan xalay oo qudha ahayn isaga oo leh waar maxay Somaliland igu ilowday intaas oo jeer ayaan doorashada galay, xisbiyadii ugu horeeyay ayaan ahaa ee samaysmay, waxaan u maraakhaati furayaa inay runtii tahay, waxaan u markhaati furayaa saddexdii xisbi ee tartanka bilaabay ee qarankan seeska u dhigay ee dumuqraadiyada ka shaqeeyay inuu ka mid ahaa,waxaan leeyahay Faysal waa uu mudan yahay in la doorto, waxa uu mudan yahay inuu dalka madaxweyne ka noqdo, waxa uu mudan yahay inuu hoggaamiyo Somaliland, waxaan is leeyahay haddii Faysal mudo hogaamin lahaa dalka saddex sandood ama laba sanadood ka yar inuu ictiraafku deg deg u iman lahaa.”