Madaxa Maroodiga Oo La Ogaaday In Uu Ahaan Jiray Cuntada Ugu Fiican Ee Dadkii Hore Xiiseeyaan

0
1035

1Hargeysa (Geeska)- Bilowgii Aadamaha maskaxda maroodigu waxa ay ka mid ahayd cuntooyinka ugu fiican ee dadku cuno, tusaale aaan waxaa la sheegayaa in ummadihii hore ay aad u karsan jireen madaxa weyn ee maroodiga. Gaar ahaan nooc maroodiga ka mid ahaa oo aad u weynaa oo imika dunida ka dabar go’ay.

Noocan maroodiga ah oo lagu magacaabo, Maroodiga miciyaha toosan waxa uu aad ugu dhaqnaa dhulka Yurub iyo Eeeshiya, waxa aana qaradiisa lagu qiyaasaa in uu aad uga weynaa maroodiga hadda weli dunida ku dhaqan, oo xitaa uu shan laab ka weynaa Jeerta oo ah xayawaanka berriyeedka labaad ee dunida ugu weyn.

Cilmibaadhis cusub oo uu Geeska Afrika soo akhriyey ayaa lagu ogaaday in dadkii nolaan jiray casrigii loo yaqaannay Palaeolithic oo ah bilowgii casrigii dhagaxa ay ugaadhsan jireen maroodiga oo u ahaa cuntada ugu fiican ee ay ka helaan nafaqada jidhku u baahan yahay. Iyaga oo sida taariikhda lagu ogaaday cuni jiray dhammaan qaybaha jidhkiisa oo xitaa gacanka, madaxa, carrabka iyo qanjidhadu ku jiraan, isla markaana la soo bixi jiray maskaxda maroodiga.

Sida lagu sheegay natiijada baadhistan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee BBC laanteeda afka Carabiga ayaa sheegaysa in dadku sidiisaba, bilowgii taariikda illaa maanta uu ahaa hilib cun, laakiin waxa ay khubaradu aad isu weydiiyeen sida ay u suurtogeli jiray in ay dadkaasi dilaan maroodiga oo sida aynu la soconno aad u qaro weyn. Meelaha laga helay raadadka caddaynaya in dadkii hore ay cuni jireen hilibka maroodiga gaar ahaan madaxa waxaa ka mid ah dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti oo laga helo aataar cimrigeedu gaadhayo Hal Milyan iyo 600 kun oo sano.

Xog dheeraad ah:

Maroodiga hadda dunida laga yaqaanno, gaar ahaan ka Afrika ku dhaqan madaxiisa miisaankiisu waa 180 Kiiloogaraam, Gacankiisu waa 110 kiiloogiraam, labada dhegood oo keliyi waa 44 Kiiloogaraam, Carrabkiisu waa 14 Kiiloogaraam, maskaxda madaxiisa ku gudo jirta oo keliyina waa 6,5 Kiiloogiraam, taas oo macnaheedu yahay in maroodigan hadda dunida ku nool madaxiisa miisaankiisu ka badan yahay 400 oo kiiloogaraam, halka maroodigii xilligaas la cuni jirayna uu aad uga sii weynaa, miisaan ahaan iyo dhumuc ahaanba.