Madax-dhaqameedka Lughaya Oo Ka Digay In Diiwaangelinta Laga Bilaabo degaanada Lagu Muransanyahay

0
523

Hargeysa (Geeska)-Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka, Salaadiinta, Cuqaasha, Odayaasha iyo Dhalinyarada Beelaha deegaanka Lughya  iyo Bula-xaar, ayaa ka digay in Deegaanadii muranku ka taagnaa ee la isku haystay, ee xayirada laga saaray Doorashooyinka in Diiwaangelinta codbixiyaasha la geeyo.

1

Madax-dhaqameedkan iyo  Salaadiintan oo shalay shir jaraa’iid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ugu horeyn Cismaan Axmed Rooble, Cali Aw Jaamac, Caaqil Maxamed Cabdi Jaamac iyo Oday Maxamuud SIciid Muuse oo ka soo jeeda Deegaanka Bula-xaar, ama Beesha Subeer Awal, oo shirkaas jaraa’iid ka hadlay ayaa sheegay in Beelaha wada dega Degmooyinka Lughaya iyo Bula-xaar ay yihiin beelo walaalo ah, oo Biyaha wada caba, oo isku xidhan iskuna duuban, una taag hayn cid dhib iyo fidno dhex dhigta, waxayna soo jeediyeen in ilaa inta lagu kala baxayo lixda goobood ee muranku ka taagan yahay in aan wax diiwaangelin ah laga qaban, doorashana aanay ka dhicin, waxayna Xukuumadda iyo Komishanka ugu baaqeen in arintaas aad uga feejignadan.

Chief Caaqil Daahir Cismaan Cilmi, Caaqil Tukaale Riiraash, Caaqil Muuse Diiriye Bayle iyo Caaqil Ibraahim Muumin Xadi oo iyana ka soo jeeda Deegaanka Lug-haya, gaar ahaan Beelaha Ciise iyo Samaroon, oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay in aanay marnaba raali ka ahayn in khilaaf iyo isku dhac ka bilaabo deeganada Waqooyiga Somaliland ee muranku ka taagan yahay, waxayna ku baaqeen ilaa iyo inta lagu kala baxayo oo kala xadayn la sameeynayo in aan wax Diiwaangelin iyo Doorasho ah in aanay ka dhicin.

Suldaan Abshir Maxamed Ducaale, Suldaan Maxamed Cabdi iyo Suldaan Aadan Cawil Cilmi, oo iyana shirkaas jaraa’iid ka hadlay ayaa Xukuumadda ugu baaqay in aanay horseed ka noqon fidno iyo dhib ka dhacda deegaanada la isku haysto, oo aanay geynin Sanaaduuqda Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, waxay xuseen in dadka deeganadaas la diiwaangeliyey, balse aanay marnaba yeeli doonin in dad aan u dhalan deeganadaas la geeyo oo laga soo diiwaangeliyo.