Golaha Wakiilada Oo Shalay Maryo Dhiig Leh Lagu Kala Furtay, Xildhibaano Feedh Isla Dhacay Iyo Kuwo Gudbiyay Mooshin Madaxeynaha Khuseeya

5
568

Picture6Hargeysa(Geeska)-Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay maryo dhiig leh ku kala furtay xeerka horumarinta wadooyinka, oo uu wasiirka madaxtooyadu u soo gudbiyay, kaas oo u muuqda inuu dareen xaasaasi ah ka dhex abuuray golahaas.

 

Xeerkan oo ay mudanayaashu si weyn ugu kala aragti duwanyihiin, golahana u kala qaybiyay mucaarad iyo muxaafid, ayaa waxa shalay isku faro-saaray laba xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa oo ka soo jeeda xisbiga mucaaradka ah ee Wadani iyo xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka soo jeeda xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, waxaanay aragtida kala duwan ee labada xildhibaan ay xeerkan ka qabaan sababtay inay labada xildhibaan gacanta isula tagaan, iyagoo isku miisay feedh iyo dagaal kale. Laakiin wax khasaare ahi makala gaadhin labada mudane, oo ay xildhibaanadii kale ee golaha fadhiyay ku kala guntadeen.

Geesta kale, 11 xildhibaan oo ka tirsan isla golaha wakiilada, ayaa shirguddoonka golaha u gudbiyay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, kaas oo ay ku dalbadeen in Madaxweynaha la soo gole-joojiyo.

Xildhibaanadani, waxay mooshinkooda sabab uga dhigeen in Madaxweynaha wax laga weydiiyo dhawr mawduuc oo qaranka saamayn ku leh oo ay ka mid yihiin, in Madaxweynaha loo yeedho si wax looga weydiiyo gudashada xilkiisa, in sidoo kale wax laga weydiiyayo fadeexadaha ka taagan madaarka Hargeysa, joojitaanka ay shirkadda diyaaradda ee Ethiopia ku joojisay duulimaadkeeda, bixitaankii Genel Energy iyo arrimo kale. Shirguddoonka golaha wakiiladu wax jawaab ah kama uu bixin mooshinkan, waxase ay mudanayaasha wataa sheegeen inay sharciga soo waafajiyeen islamarkaana uu shirguddoonku ka qabtay.

Si kastaba ha ahaate waxa muuqata inay soo noolaanayso mucaaradadii golaha lagu yaqaanay wakhtigii uu talada hayay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyagoo golaha wakiiladu saddexdii sannadood ee ay xukuumadu xilka haysay caan ku noqday inay durduro ku ansixiyaan xeer kasta oo ay xukuumadu u soo gudbiso.

Comments are closed.