Madal Lagu Daah-Furay Dugsiyo Noocoodu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Hargeysa Ka Dhacday

0
593

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Munaasibad balaadhan  laguna daah-furay dugsiyada Maroodi-jeex oo ku yaalla magaalada Hargeysa ayna ka soo qayb-galeen salaaddiin, wasiiro, danjireyaal, abwaanno, axsaabta qaranka, jileyaal, macallimiin, dadweyne, ururrada bulshada iyo maamulka dugsigaasi ayaa maanta ka dhacday caasimadda Somaliland.

Ugu horreyn maamulaha guud ee dugsiyada Maroodi-jeex Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) ayaa ka warramay heerarkii dugsigu soo maray, culuumta lagu dhigayo iyo waxyaabaha ay kaga duwanaan doonaan dugsiyada kale waxaanu yidhi “Dugsigan waxa lagu dhigi doonaa aqoon dheeraad ah oo ay ka mid yihiin dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaalida, waddaniyadda iyo taariikhda dalka iyo casharro diini ah sida Quraanka iyo Sayniska. Deeqo waxbarasho oo kabid ah ayaanu siin doonaa ardayda sannadkan ka qalin-jebinaysa dugsiyada dhexe iyo sare. Bareyaal khibrad leh ayaa ka hawl-galaya, duruusta ay macallimiintu dhigaan qaar ka mid ah waxa laga baahin doonaa saxaafadda sida mareegaha internet-ka iyo Somaliland Space Channel”.

 Isagoo Siciid Gahayr ka hadlaya maaddooyinka dugsigu bixinayo imaka iyo qorshaha dambe ee ay ku taamayaan waxa uu yidhi “Waxa aannu hadda ku bilaabaynaa koorasyo degdeg sida sayniska dugsiga sare, xisaabta dugsiga hoose/dhexe, afafka carabida iyo Ingiriisida. Gu’ga dambena waxa aanu ka dhigaynaa dugsi sare oo lagu dhigto Manhajka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

 

 Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaa soo dhaweeyay himilada san ee loo furay dugsigan waxaanu Alle ka baryay inuu ku simo qalin-jebinta iskuulkan noociisu waddanka ku cusub yahay waxaanu yidhi “Weligay ma arag dugsi sidan oo kale oo loogu dhigayo dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaalida. Waa iskuulkii koowaad ee aan noociisa dhaayaha saaro. Aniguna hadday sidaas tahay waxa aan ka mid noqon doonaa macallimiinta dugsiga gaar ahaan qaybta dhaqanka. Waana muhiim inaynu baranno dhaqankeenna”.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax ayaa si kal iyo lab ah u soo dhaweeyay maaddooyinka dugsigani bixinayo ee dhaqanka iyo taariikhda, isaga oo ugu baaqay wasaaradda waxbarashada in la sameeyo hannaan lagu hagaajiyo mustaqbalka barbaarta dalka. Foosi Xuseen Rooble oo ka socday haaydda Candle Light ayaa sheegay inay dusgigan la barbarjoogaan taageero iyo garab, isagoo bogaadiyay bareyaasha iskuullada Maroodi-jeex. Sidoo kale Xuseen Xasan Badmaax, ku xigeenka xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in ardayda lagu barbaariyo waxyaabaha dalkeenna u summadda ah sida suugaanta iyo dhaqanka. Agaasimaha Somaliland Space Channel C/Raxmaan Cismaan Cumar ayaa ballan-qaaday inay baahin doonaan casharrada Maroodi-jeex Schools, oo ah feker ka yimi maamulka dugsiyadan la daah-furay

 Qaar ka mid ah ardayda Dugsiyada Maroodi-jeex ayaa madasha ku soo bandhigay riwaayad ku qotonta asluubta iyo dhaqanka fiican ee ardayda iyo da’yarta looga baahan yahay, si waafi ahna uga warramay aqoonta qaayaheeda. Ambasaddor Kaysar C/Laahi Maxamed, Safiirka wareega ee Somaliland iyo Abwaan C/Waxaaxid Cali Gamadiid ayaa madasha ka jeediyay weedho tilmaamaya qiimaha aqoonta iyo gabay ku saabsan cilmiga.

 Ugu dambayntii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa carrabka ku adkeeyay inay soo dhawaynayaan Dusgiyada Maroodi-jeex, sidoo kalena ka warramay sida ay u fiican tahay in qaab-masraxeed loogu wacyi-geliyo bulshada, isaga oo sidoo kale tacsi u diray qaranka Somaliland iyo qoyska Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida Marxuum Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre oo lagu aasay Hargeysa.