“Madaama Heshiiska Wax Laga Bedelay, Waa In Golaha Dib Loogu Soo Celiyaa”

0
795

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ee Golaha Wakiilada Somaliland xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, ayaa tilmaamay in wax aad loola yaabo tahay in Somaliya ay ku mashquusho arimaha Somaliland, waxaanu xusay in wixii heshiis ah ee caalamiya ee ku saabsan Somaliland aanay u oolin Barlamaanka Somaliya ee ay u taalo Barlamaanka Somaliland, waxaanu soo jeediyey in Golaha la hor keeno heshiiska saddex geesoodka ah, si ay waajibkooda uga gutaan.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ee Golaha Wakiilada Somaliland Axmed Ducaale Bulaale oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Anagu Gole Barlamaan ahaan waxaanu ansixinay qaraar aanu ku caddaynayno in Barlamaanka Somaliya ee Muqdisho fadhiyaa, aanu Barlamaan u ahayn Somaliland, ee anagu Barlamaan u nahay, qaraarka aanu soo saarnay kaas ayuu ahaa, waxaana ku qeexnay in aanu heshiiskii hore u ansixinay, haddii wax ka bedel lagu sameeynayna anaga ayaa ansixinayna ee iyaga uma taalo, Barlamaanka halkaas jooga ee qaylinaya, waxa ka soo baxay waa wax nasiib daro weyn ah, oo colaad hurinaya, maaha wax Somalinimada ay ku doodan ku saleeysan, waayo heshiiskani waa heshiis ganacsi iyo dhaqaale, Somaliland shakhsiyada qaanuuniya ayey u leedahay, inay gasho heshiisyada caynkaas oo kale ah, oo xittaa iyaga ayaan lahayn heshiisyo qaanuuniya oo ay ku saxeexaan heshiisyada caalamiga ah, Maamulka Somaliya colaad cusub bay hurinayaan, laakiin waxay sameeyn karaan ma jiro”

Xildhibaan Axmed Bulaale mar uu ka hadlaayey heshiiska saddex geesoodka ayaa yidhi “Heshiiska waa la darsayaa, ee sida uu warku yahay haddii heshiiska wax ka bedel lagu sameeyey, wali namuu soo gaadhin, mushkiladi kuma jirto in Barlamaanka lagu soo celiyo, si uu ansixiyo madaama heshiiska wax laga bedelay, waa in Golaha dib loogu soo celiyaa si waajibkayaga uga gudano, waana arin u taala Dawladda, waana sugaynaa”.

Mar uu ka hadlaayey wada hadalada ayaa yidhi “Anigu in la wada hadlo dan ayaan u arkaa, ilayn laba wadan oo kala noqday ayeynu nahaye, laakiin wey carqaladeeyeen, oo halkana dagaal baan ka wadayaa, halkana waan kala hadlayaa, wax suurtagal ah maaha, ee marka hore waa in xidhiidhkii la soo celiyaa, oo iyana ay ka baxaan waxan ay wadaan, inagu wada hadalada maynu joojin ee inta ay xiisadani taagan tahay ayeynu hakinay, ta kale Cawil in loo magacaabo in marka arimaha Somalida laga wada hadlayo uu qayb ka noqdo, ama la taliye ka noqdo uu ku haboon yahay”.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale ayaa ka hadlay sicir bararka, waxaanu sheegay in madaama la xakameeyey lacagtii doolarka ee Mobilada inuu ku rajo weyn yahay in Sicir bararku hoos u dhaco, oo qiimaha sarifka ee Doolarku hoos u dhacdo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here