Ha’yadda SMEF oo Tageero Dhanka Tababarka ah u Fidisay 10 Shirkadood Oo ka Tirsan Rugta Ganacsiga Somaliland

44
3867

Hay’adda Wadniga ah ee QUANTUM-CES oo kaashanaysa rugta Ganacsiga Somaliland  ayaa waxa ay fuliyeen howl lagu ogaanayey baahiyaha ay ganacsiyadu u qabaan dhanka tababarada, horumarinta iyo sii wanaajinta adeegyada ay bixiyaan. Howshan waxa loo qabtay 10 shirkadood/ ganacsi oo Somaliland ka jira.

Howshan ayaa waxa ay qayb ka ahayd heshiis ay hore u wada galeen Hay’ada SMEF (the Small and Medium Enterprise) iyo Rugta Ganacsiga Somaliland (Somaliland Chamber of Commerce, Agriculture and Industry -SL-CCAI).

Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayey in SMEF ay tageero dhanka farsamada iyo tababarada ah ay siiso ganacisiyada xubnaha ka ah rugta ganacsiga Somaliland iyada ooo rugta ganacsiguna soo xulaysa shirkadaha ka faa’iidaysan lahaa. Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa sidoo kale-na hubinaysa tayada, habka iyo hanaanka loo bixinayo adeegaas iyo sidii shirkadaha qataa ay u dhaqan galin lahayeen tababarkaas.

Hay’ada Wadniga ah ee QUANTUM-CES oo kaashanaysa SMEF, ayaa waxa ay si qoto dheer u baadheen baahiyaha tababar iyo kuwa farsamo ee ay u baahan yihiin 10 shirkadood/ganacsi. Si ay taas u ogadaan ayaa waxa la sheekaysteen shaqaalaha, maamulka iyo mulkiilayaasha ganacsiyadaasi.
Shirkada kasta waxaa la ogaaday baahida iyo heerka baahidaasi ee ku saabsan dhanka maamulka iyo hogaaminta shirkada (Governance), nidaamka shirkada u yaala ee ka dhigi kara mid sii jiri karta sanado badan (Performance over Time), sida shirkadu ama ganacsigu suuqa ula jaanqaadi karo (adaptability -future needs), xirfada iyo aqoonta shaqaalaga ee shirkada/Ganacsiga (human resources knowledge and skills), nidaamka xisaabaadka ee Ganacsiga/shirkada (financial performance and management ) nidaamka suuq gaynta ee shirkada ( marketing) iyo sidoo kale sida ay shirkadu u qabato howl maalmeedkeeda ( daily operations)

Shirkad kasta ayaa waxa loo diyaariyey qoraal sharaxay halka ay ka taagan tahay qodobadan muhiimka u ah horumarka ganacsi kasta iyo sidii ay shirkad kastaba ay u korti lahayd una noqon lahayd mid waarta ama sii jirta mustaqbalka.

Baadhitaankaas ayaa waxa ka soo baxay in shirkadaha badankoodu ay ku liitaa dhanka maamulka iyo hogaaminta shirkada (Governance). Shirkadahan ayaa la siiyey tababar dhanaka maamulka iyo hogaaminta shirkadaha ah.

Hay’ada Wadniga ah ee QUANTUM-CES oo ka shaqaynsa Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa waxa ay sido kale soo qaban qaabiyeen shir lagu lafo gurayo isla markaana lagu ansixinayo wixii ka soo baxay badhitaankaas. Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan shirkadihii loo sameyey adeegan iyo Ha’yada SMEF oo maalgalinaysay.

Shirkad kasta ayaa waxa lagu wareejiye nuqul ku saabsan baahiyihii ka soo baxay baadhitaankii lagu saameyey waxaana sidoo kale Hay’ada Wadniga ah ee QUANTUM-CES iyo ganacsiyadaasi isla samayn donaan qorhsihiin lagu dabooli lahaa bahiyaasi, sida tababaro loo diyaariyo iyo adeegyo kale oo dhanka farsamada ahba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here