Machadka SIDAM Oo Shahadooyin Gudonsiyey 549 Arday Oo Qalan Jabiyey

0
718

Picture2Hargeysa (Geeska)-Mac-hadka SIDAM oo ka mid ah Machadada lagu barto Kuuliyadaha kala duwan ee Waxbarashada, ayaa Munaasibad aad u balaadhan oo qalan jabin ah u qabtay Arday ka baxday Kuuliyadaha kala duwan ee SIDAM, oo ahaa 549-arday, oo iskugu jiray Hablo iyo Wiilal.

 Munaasibadan oo si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxa lagu qabtay Guuleed Hotel ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Maamulka, Madaxda iyo Macalimiinta Machadka SIDAM, Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga taladda dalka haye ee kulmiye Maxamed kaahin, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee heer Qaran Marwo Canab Ileeye, Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Marwo Faadumo Siciid, Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,Masuuliyiin ka kala socday Shirkadaha Isgadhsiinta,  Waalidiin, Cuqaal, Odayaal, Salaadiin, Ardaydii qalan jabinaysay iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Maamulaha Machadka SIDAM Dr Mukhtaar Maxamed Axmed oo isagu Munaasibadaas qalan jabinta ka hadlay ayaa waxa uu si xeel dheer ugu dheeraday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Machadku, halka uu hiigsanayo, Kuuliyada kala duwan ee ay bixiyaan, Ardayda ka qalan jabisay, iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Ardayda  waxan u sheegaya in ay dadaal muujiyaan oo ay ogaadaan aqoontu in aanay halkaas ku dhaamanin oo ay si wadaan ilaa iyo inta ay ka dhimanayaan qof aanu joojin waxbarashada, tirada  Maanta (Shalay) halkan inala fadhida ee aynu  shahaadooyinka gudoon siin doono waa 549 arday oo u badan dhinca hablaha”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi  “Waxana ay ardaydan  549  ahi ka kala qalan jabiyeen  qeybaha kala duwan ee uu bixiyo machadka SIDAM  ,39 arday waxa ay ka qalin jabiyeen Business Administration  271 arday waxay ka qalan jabinayaan  Computerka ,76 arday waxay ka qali n jabiyeen Madada Englishka  49 arday waxay ka qalin jabiyeen ICT  65 arday waxay ka qalan jabiyeen Saxaafadda ,13 arday waxay ka qalan jabiyeen Madada Xisbaabta 23 arday  Waxay Ka qalan Jabiyeen Xoghayenta, 52 Waxay Ka Qalan jabiyey Telecommunication engineering”.

Maamulaha Machadka SIDAM Dr Mukhtaar Maxamed Axmed, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay wadaan Waxbarashada dadka waaweyn, waxaanu ka xusay in aanay Waxbarashadu lahayn yaraan iyo weynaan, ee ay haboon tahay inuu qofku dadaal muujiyo, waxa kale oo uu caddayey in aanay ku deg degi doonin Shahaadada Degree-ga ee ay awooda mar walba saaran inay soo saaraan Arday leh Waxbarasho tayo sare.

 Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo iyana halkaas ka hadashay ayaa waxa ay dardaran iyo dhiirigelin iskugu jira u soo jeedisay Ardaydii ka qalan jabisay kuuliyadaha kala duwan ee SIDAM, waxayna tidhi “Waxaa Maanta (Shalay) wax lagu faraxo ah in aan ka soo qeyb galo Xafladan aadka u qiimaha badan ee ay ku qalin jabinayaan ardayadan faraha badan ee ka qalan jabisay Machadka SIDAM waxana aan idin leeyahay hanbalayo hanbalyo ,waxaa kale oo yaguna mahadnaq  gaar ah leh Waalidkii idinku soo tabacay ee Maanta heerkaas aadka u wacan idiin so gaadhsiiyey waxana aan jecelahay in aan halkan kaga  dhaawaqo in aan caawiyo ardydan maqalkan naafada ka ah ee raba in ay sii wataan waxbarshadooda ay hada mid ka qalan jabiyen waxana aan halkan ka sheegaya in aan  midkiiba ugu deeqi doona 100$ oo ay iskaga  bixiyaan bisha ugu horaysa maadama oo aanan hada waxa shaqo ah aanan gacanta ku hayenin idinkana waxaa aan idiin leeyahay halkaas ka sii wada dadaalkiina”.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “ Maanta (Shalay) waa Maalin qiimo weyn leh oo sharafteeda leh   qalin jabinayaan Arday faro badan waxana aan ardayda aan kala dar daar mayaa in aanay  tahriibin oo Tariibku waa aafo weyn oo wax yeelaysay  dhalin yaradeeni waxaan aan idinku boorinayaa in aad   halkaasi ka sii wadan dadaalkiina oo aydaan ka caajisin Waxbarasho”

Guddooomiyaha Garabka Haweenka heer Qaran ee Xisbiga Kulmiye Marwo Canab Ileeye, Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Waddani, qaar ka tirsan Wasiiradii hore ee Xukuumaddii Daahir Rayaale oo iyana halkaas ka hadlay ayaa waxa lagu farxo ku tilmaamay in Arday aad u tiro badani ay ka qalan jabiyaan kuuliyadaha kala duwan ee SIDAM, waxayna ugu baaqeen inay dadaalka halkaas ka sii wadaan, waxaana Xisbiga Waddani uu halkaas ka balanqaaday in hal Simistar uu ka bixin doono Saddexdan Arday ee Dhagaha ka naafada ah.

 Guddoomiye ku xigeenka  koowaad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay qiimaha uu dhulka hooyo leeyahay, waxana uu yidhi ” waxaa Maanta (Shalay) farxad  weyn ii ah in aan  ka soo qeyb galo Munaasibad aad u weyn oo ah Munaasibad ay ku qalin jabinayaan arday reer  Somaliland  ahi waa Munaasibad aan anigu ku hanbal yeeynaayo  maamulka Dugsiga SIDAM   Saddexda qolo ayaa maanta u baahan in la hanbalyeeyo waa qolada maanta  halkan ku qalin jibanaysa ee isagu jirta Inamada iyo Habalaha.  qolo kalana waxaa weeye qolada maanta halkan joogta ee xaga maqalka Naafada ka ah waxana aanu ugu balan qaadayna ka Xisbi ahaan in aanu kafaala qaadan doono sanadka uga hadhay waxbarashadooda”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha kowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin, ayaa  sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh uu Qaramada Midoobay ka hor sheegay inuu Xukumo dhammaan 18-Gobol ee Somaliya la isku odhan jiray oo Somaliland ku jirto, isla markaana uu sheegay in Doorasho uu ka qaban doono Sannadka 2016-ka, waxaanu guud ahaan Dhalinyarada reer Somaliland ugu baaqay inay dalkooda xamilaan oo aanay cidna ku halayn, isaga oo xusay in cid wax yeeli karta ama dalka wax yeeli karta, wax ka qaadi karta, isla markaana sheegan karta aanay jirin.

Qaar ka mid ah Ardaydii ka qalan jabisay Machadka SIDAM ayaa  waxa ay halkaas ku soo bandhigeen laba riwaayadooda oo ay mid soo bandhigeen Ardayda Naafada ka ah Dhagaha oo ka qalan jabiyey SIDAM, halka Riwaayada kalena ay soo bandhigeen Ardayda dhagahoodu caadiga yihiin, waxayna labada Riwaayadooda ka turjumayeen qiimaha ay waxbarashu cid walba u leedahay, dhibaatada Tahriibka iyo Balwadaha iyo qodob kale.

Ugu dambeyntiina waxa Shahaado sharafyo ay Ardaydu gudoonsiiyeen Macalimiintoodii iyo Maamulkoodii halka iyana markii dambe la gudoonsiiyey Shahadooyinkoodii.