Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Hadlay Diiwaan-galinta Ay Xukuumadu Dalka Ka Bilawday

0
715

Picture3Hargeysa(Geeska):-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si adag uga hadlay Diiwaan-gelinta Madaniga ah ee ay Xukuumadu dalka ka bilawday,waxaana ay sharci darro ku tilmaameen in ay Xukuumadu hirgaliso Diiwaan-gelin aan wali sharcigeedii Baarlamaanka laga ansixinin.

Xoghayaha Xidhiidhada Gobalada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdilaahi Axmed Maxamed oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xukuumadu ay ku tumatay shuruucdii dalka loogana baahan yahay in ay sida ugu dhakhsaha badan uu Madaxweyne Siilaanyo bulshada uu bulshada uga raaligaliyo khaladka ay samaysay Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay.

"Maanta waxaan doonaynaa,in aanu ka  hadalno arrin aad ogaydeen in laga wada heshiiyey oo labada Xisbi Mucaarad iyo Xukuumaduba ay ka heshiiyeen,meelna laysla dhigay oo ahayd arrintii Diiwaan-gelinta oo iyada lagu heshiiyey marka la soo koobo in aan labada Diiwaan gelinood aanay is dabrin oo shaqo isku lahayn,si barbar ahna ay u wada socdaan,arrintaas waa laga heshiiyey oo waad ogaydeen.Waxaa se hada ka soo noqday oo taagan arrin sharci darro ah oo kaliftay in aan cid walba oo qaranka iyo Umada danaynaysa aanu u sheegno.Qodabkaasi waxaa uu yahay Diiwaan-gelintii lagu balansanaa in ay sidan u shaqayso ayaa sifo sharci darro ah ku bilaabantay,iyada oo Baarlamaankii uu faraha kula jiro oo aan sharcigii iyada oo aan la soo saarin ayaa madaxweynihii Qaranka nasiib darro isaga iyo sideedii Wasiir ee ugu tunka roonaa oo aad moodo in ay dayax gacmeed ay furayaan,oo aad u farax san oo leh maanta ayaa aynu Ictiraafkii helnay oo aynu guushii gaadhnay,iyaga oo ku sii tumanaaya ama isku sii taagaya sharcigii wadanka oo aan u aabo yeelahayn umaddu waxii ay dhigatay iyo waxii lagu heshiiyey toona"Ayuu yidhi Cabdilaahi Daamur

Md:Cabdilaahi Axmed Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:"Waxaan idiin sheegayaa oo aan u sheegayaa umadda reer Somaliland haddii ay arrimuhu ay sidan ku sii socdaan oo sharciga sidaas dhibka yar loogu tunto,waad ogtihiin oo sharcigii Faham ahaan ayaa uun lagu heshiiyey oo baarlamaankii ayaa sharcigii wada oo wali ma uusan soo dhaafin,waxaana aad maqalayseen Diiwaan gelintii ayaa la bilaabay oo waliba Madaxweynuha ayaa bilaabay Nasiib darro Madaxweynu isaga oo khalday halkii uu ku dhashay iyo sanadkii uu dhashayba,laba jeer qalday waxaa jira,waxaa jira oo aanu umadda u sheegay sharci darradaa dhacday in ay umaddu ay ka noqoto oo ay shegtana gefka ay gashay oo madaxweynahu uu umadda u sheego in gef galeen waayo gefaf badan ayaa Madaxweynaha laga tirsanayaa,waxaa ka mid ah tii shalay la wada maqlaayey ee uu lahaa Wasiirka Wasiirada ama Raysal Wasaare ayaa jira uu Madaxweynuhu lahaa taa waan laysku qabsaday arrintaan aad ayaa looga wada hadlay sharci ahaana waa laga hadlay in uu dastuurkana in ay ku qaldan tahay".

Xoghayaha Xidhiidhada Gobalada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdilaahi Axmed Maxamed waxaa uu ugu danbayntii uu ugu baaqay Baarlamaanka Somaliland in ay sida ugu dhakhsaha badan ay Golaha u horkeenaan cidii ku shaqada lahayd hirgalinta Diiwaan-galin aan sharcigeedii Baarlamaanka laga soo ansxin,waxaana uu sida oo kale uu shacbiga reer Somalialnd u soo jeediyey in ay ka feejigo yeeshaan,shuruucda dalka ee ay Xukuumada Siilaanyo ku tumanayso. “arrintaasi arin sahlan maaha,dadkuna in ay yaraystaan maaha,Baarlamaankana waxaan ugu baaqayaa wasiirada ay arrintaasi ay khusayso in ay u yeedhaan oo ay Baarlamaanka hortiisa ay ku waydiiyaan sababta ay ku dhacday iyada oo wali uu nidaamkii lawday uu socdo(Procedure) oo aan sharcigii Diiwaan gelinta wali la dhamayn in ay iska bilaabaan inaga oo og,gadoodka ka dhacay durtaba oo ay umadiiba diiday,oo inta inamadii gacanta ku hayeyna Lacagtii loo diiday,Diiwaan gelintii qaranka mar haday tahayna in sidaas loo bahdilo maaha,oo taa aynu u baahnayn laakiin waxaa ay ahayd iyada oo laga fiirsaday oo lacagtii iyo sharcigiiba loo dhamaystiray lagal ayaa ay ahayd”Ayuu yidhi Md:Cabdilaahi Axmed Maxamed