Maayarka Toronto Oo Dhalinyaro Somali Ahi Bad Ku Soo Farruurtay

1
751

Toronto(Geeska)-Booliiska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa sheegay inay baadhitaan ku samaynayaan filim laga duubay duqa magaalada Toronto Rob Ford oo la sheegay inuu isticmaalo daroogada.
Arrintan ayaa soo shaac baxday bishii May ee sanadkan kadib markii dhalinyaro Soomaali ah la sheegay inay hayaan filim ay ka duubeen duqa magaalada Toronta oo daroogada isticmaalaya, waxaana jiray qaar kamid ah dhalinyaradaasi Soomaalida oo la sheegay in la dilay.Booliiska Toronto ayaa xaqiijiyey in Filimka ay gacanta ku hayaa isla markaana ay bilaabeen baadhitaan xoog leh. Booliiska waxay xaqiijiyeen in qofka ka muuqda filimka uu yahay duqa magaalada Toronto Rob Ford, balse waxay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan cajaladaasi.Rob Ford ayaa beeniyey arrimaha lagu heysto wuxuuna diiday inuu xilka ka dego.

Dhalinyaro Soomaali ah oo kamid ah kuwa Daroogada iibiya kuna nool dalka Canada ayaa shaaciyey inay daroogo ka Iibiyeen Mayarka ama duqa magaalada Toronto Rob Ford.Filimkan oo lagu duubay telefoonka Mobile-ka ayaa soconaya 90 ilbidhiqsi, balse kooxda Soomaalida ah ee filimkan duubay ayaa saxaafada ka codsaday inay ka iibsadaan oo ay ka siistaan lacag gaadheysa $200.000 (Labo Boqol oo kun oo dollar).

Labadan jariirad ee Toronto Star iyo Gawker oo lagu yaqaan soo bandhigida warar fadeexad ah ayaa diiday inay jeebkooda ka bixiyaan lacagta lagu gadayo filimkan kooxda Somalida iibineyso, balse taageerayaashooda ayey ka codsadeen inay lacagta isku soo dar daraan si loo soo gado filimkan.Jariirada Toronto Star iyo Gawker ayaa hada bilaabay lacag aruurin ay shacabka ka qeyb qaadan karaan oo ay ku doonayaan inay ku aruuriyaan lacagtii ay ku gadan lahaayeen Filimkan. Suxufiyiinta ka socda labadan warbaahin ayaa sheegay inay indhahooda ku arkeen filimkan balse ay hada doonayaan inay soo iibsadaan si ay u shaaciyaan.

Mayar Mr.Rob Ford, ayaa beeniyey inuu isaga yahay qofka filimkaasi ka muuqda, wuxuuna sheegay inay arrintan buun buuniyeen saxaafada oo la doonayo in sumcada looga dilo. Balse suxufiyiinta filimkan ay tuseen dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa dhamaantood isku raacay inuu isaga yahay qofka filimkaasi ka muuqda.Arrintan ayaa hadii ay rumowdo noqoneysa fadeexadii ugu weyneyd ee lasoo gudboonaata Duqa magaalada Toronto.

Dhalinyarada Soomaalida ah ee daroogada ku iibiya dalka Canada ayaa horey saamayn ku yeeshay amniga magaalada Toronto, iyagoo lagu eedeeyo in ay koox koox isu dilaan, isla markaana amniga qeybo kamid ah magaaladaas khal khal ku haya iyagoo ka ganacsada Daroogada, hayeeshee filimkan fadeexada ah ayaa noqonaya saameyntii ugu weyneyd ee ay ku yeeshaan Siyaasada dalkaasi.

Comments are closed.