Kenya Oo Sheegtay Inay Duqaysay Al-Shabaab

0
576

Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay habeen hore duqeeyeen deegaanka Hurguun ee gobalka Bakool halkaasi oo la sheegay inay ku taalay xero ay ku tababartaan xoogaga Al Shabaab.

Col. Cyrus Oguna oo u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay gebi ahaan burburiyeen xerada Al shabaab ciidamadooda ku sugnaayeen.

Korneylka ayaa sidoo kale sheegay in xeradaasi ay tahay goobtii lagu soo tababaray qaar kamid ah dagaalyahanadii fuliyey weerarkii Westgate ee 21kii September ka dhacay magaalada Nairobi.

Col.Cyrus Oguna ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntan ay daba socotay duqeyntii todobaadkan ka dhacday duleedka magaalada Jilib oo la sheegay in lagu dilay labo nin oo ka tirsan Al Shabaab oo la sheegay inay qeyb ku lahaayeen tababarka kooxaha Al Shabaab.

Sarkaalkan u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in xoogaga Kenya ee ka tirsan AMISOM ay dar dargelin doonaan hawlgalada iyo duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab oo ay ka fulin doonaan Jubada Hoose iyo Jubada dhexe iyo waliba gobalka Bay, waa sida lagu sheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay ciidamada Kenya.

Warsaxaafadeedkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Kenya dhaq dhaqaaqa ay wadaan uu yahay mid gacan lagu siinayo hawlgalka balaadhan ee ciidamada kale ee AMISOM iyo kuwa Soomaalida kula dagaalamayaan AL Shabaab.

Weerarkan ayey Al Shabaab beenisay iyadoo sheegtay inaanay jirin wax xero ay leeyihiin oo ay ciidamada Kenya duqeeyeen.