Maayarka Hargeysa Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Oo Uu Khilaaf Ka Dhex Qarxay

0
571

Picture5Hargeysa (Geeska)- Iyada oo muddooyinkii ugu dambeeyey uu khilaaf ka dhex aloosnaa Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa wuxuu khilaafkoodu soo baxay ka dib markii ay xubno xildhibaani ay fadhigii shalay ee golaha deegaanka ka dalbadeen in isku bedel lagu sameeyo guddiyada golaha.

Waxa ka dhex bilaabmay fadhiga buuq iyo sawaxan, iyadoo qaar xildhibaanada ka mid ahi ay eedo u jeediyeen maayarka Hargeysa. Maayarka Caasimadda oo fadhigaas ka dib saxaafadda la hadlay ayaa nasiib daro ku tilmaamay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka ee ka soo horjeedaa ay garan waayaan in lacagtii kabta ee dawlada dhexe ay siin jirtay dawladaha hoose  ay ku baxday Diiwaangelinta Madaniga ah oo ah hawl qaran oo umadda oo dhan u taallaa, taas oo ku waajib ah inuu qof kasta ka qaybqaato Diiwaangelinta Madaniga.

Maayarka Caasimadda ayaa markii uu soo xidhay kalfadhigii 8aad ee golahoodda, waxaanu xusay in qodobkii waddooyinka cusub ee degmooyinka loogu magac darayey mujaahidiinta dalka usoo halgantay inay fool xumo tahay inay Xildhibaano ka soo horjeestaan oo ay buuq iyo muran dhex galiyaan, waxaanu yidhi  “Waa Nasiib daro qofku inuu garan waayo waxa uu ka hadlayo, miisaaniyadayadu waxa ay ku salaysnayd korodhka miisaaniyadii 2013 iyo 2014 oo farqiga u dhexeeyey yahay korodhka aanu miisaaniyada kordhinay bishii 9aad ayuunbuu xisaab hayaa isagoo guddida dhaqaalaha ka mid ah hadana inuu beenta intaa leeg ka sheego xildhibaanku isagay u taalaa.Waxa uu yidhi waxa soo baxay macal kabkii, waxaanad wada ogtihiin in kabkii lagu galay diiwaangalinta oo arin qaran ahayd, waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicdii 5% lama qaban taa anigu waxa aan markhaati uga dhiganayaa shacabka iyo media-ha, wadadaa dhexe ee ka soo bilaabanta Halaya ee ku joogta Buurta-kala Jeexan ee dawladda dhexe iyo dawladda hoose iska kaashadeen anagoo madaxweynaha uga mahad celinayaa hawshaasi uu nala galay, waxa kale oo hawshaasi uga mahad celinayaa wasirka Madaxtooyadda, Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha, yaa dhisay Garoonkii Xawaadle, Barxada Cusbitaalka Hortiisa iyo Dabdamiskii oon ku jirin Miisaaniyada dawladda dhexe balse dawladda hoose qaadatay kharashkii ku baxaya hawlgalkiisa oo guddi joogto ah goluhu ku ansixiyey, hadii goluhu uu diido wixii uu ansixiyey waxa aanu idin siin doonaa Muuqaaladii Video-ga ahaa ee la idinka duubay”

Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid )Solteco), oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa la yidhi Nin ay u muuqato halka aad joogtaa, qof kursigani uu u muuqdo waxuu doono ayuu ku hadlayaa, waxaan leeyahay ILLAAHAY ayaa bixiya masuuliyada iyo maamulka, qofku inuu dhaleeceeyo cid maaha, aniga iyo Cismaan Waxar way na kala taqaanaa Ummadu kaayaga musuqmaasuq lagu eedayn karo ee kiisas ka yaalaan dawlada Hoose ee todoba Maayir halkan ka eryeen isaga oo shaqaale ah waa la yaqaanaa”.

Sidoo Kale, Maayarku waxa uu sheegay in waddooyinka la ansixyey magacyadoodda ay kala yihiin wadadda Bariijka ee Xabaalaha oo loo bixiyey Suldaan Bare, wadadda istaanka Jabuuti tagta oo loo bixiyey Qadiimi iyo wadadda Masalaha ee Soke oo loo bixiyey Mujaahid Yaasiin.

Dhinaca kale Xildhibaan Cismaan Waxar oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddida Dhaqaalaha ee Dawladda hoose Hargeysa iyo Xidhlbaan Saleebaan Daahir Dogox, oo isna ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Deeganka Caasimadda, ayaa oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa eedaymo u jeediyay maayarka Hargeysa. Xildhibaan Cismaan-waxar, ayaa maayarka Hargeysa ku eedeeyay inuu buuq ka abuuray fadhigii shalay, waxaanu sheegay inaanay ka hadhi doonin sixitaanka khaladaad ay sheegeen inay ka jiraan dawladda hoose ee Hargeysa. Wuxuu sheegay in maayarku ka leexday waxyaabihii loo doortay. Xildhibaan Dogox, oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa maayarka ku eedeeyay inuu ku guuldaraystay wax ka qabashada arrimihii loo doortay, waxaanu ku eedeeyay inuu sharci jebin sameeyay.