Munaasibada 17 Oktoobar Ee Xuska Shuhaadada SNM Oo Si Balaadhan Looga Xusay Hargeysa

0
662

Picture3Hargeysa(Geeska):-Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey xuska maalinta shuhadada SNM oo ay ka soo wareegtay muddo hada laga joogo 30-Sanadood oo ku beegnayd maalinta 17-ka October ayaa lagu qabtay Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa.

Waxaana xuskan ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid: Muuse Biixi Cabdi,Gudoomiyaha Madasha Wada-Tashiga Mujaahid:Xasan Guure Jaamac,Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Mujaahid Cabdisalaan Yaasiin, Mujaahidiin tiro badan iyo Boqolaal ka mid ah Dadweynaha Somaliland.

Waxaana Ugu horayn Madashan loogu ducaynayay Shuhadadii SNM ka hadlay Gudoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta SOOYAAL Md:Xasan Cabdi Maxamed oo Munaasibada Xuska Qabanqaabisay,waxaana uu faah faahin ka bixiyey u jeedada iyo sababta laga lahaa in maalinta 17-Ka October loo asteeyo xuska maalinta shuhadada SNM.

 “Maanta Waa 17 Aktoobar,Waana Maalintii u dhacay dagaalkii ugu qadhadhaa ee burca duuray kuwaas oo ay ku dhinteen Mujaahidiin Badan oo uu ka kaw yahay Mujaahid Lixle iyo Mujaahidiin Badan,Markaas Sidaas ayaanu ugu magac darnay Maalintan,Anagu Hadaanu nahay Ururka Mujaahidiinta Ee Sooyaal Waxaanu isku hawl-nay Sidaanu U Qaban qaabin Lahayn Xafladan, Shacabka somaliland ee Aan Ogayna Maalintaasi Qadhaadhna U Xasuusin Lahayn”Ayuu yidhi Xasan Cabdi Maxamed.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac, oo madasha ka hadlay ayaa Xukumadda uu Madaxweyne Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay waxa uu ugu baaqay in wax loo qabto Mujaahidiinta SNM ee ku naafoobay Dagaalkii, sida kuwa Xabbadu jidkooda ku jirto ee in laga saaro u baahan,kuwa dhimirka wax ka qaba iyo dhamaan dadka tabaalaysan ee Dalkan abaalka ku leh.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne oo ku dheeraaday sida maalintii Burco Duuray u adkayd iyo sida loogu baahan yahay in taariikhda la xuso.

 “Maalintaas Waxa ay ahayd Maalin qadhaadh oo Mujaahidiinta u soo dhaqaajiyeen in ay dalka ka saraan Kaligii Taliskii Maxamed Siyaad Barre,Waxaanan Odhan karaa Farxadda Aad Maanta ku Nooshiin Raggii dhaliyay Waxa ay Joogaan Banaanka waxaana ay ku caddilan Yihiin Qaarkood Gidaarada iyo Suuqyada Somaliland.” Ayuu yidhi Md: Dhagaweyne.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isna Xukumadda u soo jeediyay in la Adkeeyo islamarkaana tix galiyo taariikhda SNM. Waxa uu soo jeediyay in Xukumadda uu gadh wadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo lagu daro Mujaahidiinta, isagoo tilmaamay inaanay suuro gal ahayn inay ku dul tabaaloobaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi,ayaa isna halkaasi ka jeediyay hadal ku taxan taariikhdii SNM iyo waayihii ay soo martay isagoo goobta ka ballan qaaday inuu Madaxweynaha gaadhsiin doono farriimo ku saabsan in dadka SNM ka tirsanaa ee Tabaalaysan wax la taro, islamarkaana la sameeyo Meelo lagu ilaaliyo Taariikhdii halganka si dadka aan ogayn ay iyo bulshada dhamaanteedba ay xusuus ugu noqoto.