“Somaliland Bilaash Languma Siin Ee Dhiigayaga Ayaanu U Qubnay Oo Aanu Ku Soo Ceshanay”

0
541

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka hadlay qiimaha ay shacabka Somaliland u leedahay maalinta 17 Oktoober ee xuska shuhaadadii SNM. Madaxweynaha, ayaa sida lagu sheegay qoraal kooban oo la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay inaanay Somaliland iska imanin ee ay ku soo noqotay dhiigii geesiyaashii SNM. “Somaliland Lanama siin ee waxaanu ku soo ceshanahay dhiigayaga oonu u qubnay.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas raaciyay “17 Oktoober waa maa maalin ay xasuusan doonaan da’da soo socotaa.”

Maalintan 17 Oktoober oo ah maalinta loo asteeyay xuska shuhaadada SNM, ayaa waxa loogu magac daray dagaalkii Burco-duuray ee dhacay 17 Oktoobar 1984. Dagaalkaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee ugu adkaa ee ay SNM la gasho dawladii Maxamed Siyaad Barre, ayaa waxa ku shahiiday 33 mujaahid oo uu ka mid ahaa taliyihii ciidankaas Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) oo halbawle u ahaa halgankii SNM.

Dagaalkaas ayaa waxa ay SNM dawladii Maxamed Siyaad Barre ku gaadhsiisay jug culus, waxaanay muujisay cududa milatari ee ay leedahay.

Sidaas darteed xuskii dagaalkaas Burco-duuray ayaa loogu magac daray xuska shuhaadada SNM ee loo asteeyay 17 Oktoobar.