Maayarka Degmada Saylac Oo Sheegay Go’aanka Ay Ka Qaateen Xildhibaanadii Beesha Ciise Ee Dhamaantood Is Casilay

0
4215

 

saylacSaylac(Geeska )-Maayarka golaha deegaanka magaalada Saylac Md.Xuseen Iidle Barkhad, ayaa sheegay in golaha deegaanku Saylac uu cod aqlabiyad ah ku hakiyay xildhibaanadii is casilay inay ka aqbalaan is casilaadii. Arintaas oo uu sheegay maayarku inay filayaan inay wax iska bedelaan.

Maayar Md.Xuseen Iidle waxa uu sidan ku sheegay mar uu wargaysaka Geeska Afrika wax ka waydiiyay inay ka qableen xildhibaanadii is casilay is casilaadii, isla markaasna ay ku gudo jiraan soo buuxintoodii, waxaanu maayarku ku jawaabay sidan “ Xeerka dawladaha hoose waxa uu sheegayaa xubintu haddii ay is casisho in golahu uu cod u qaado, Waxaanu  golahu isku raacay markii is casilaada xildhibaanadaas cod loo qaaday in loo kaadiyo arinkooda, waxaana la yidhi waa arin iska caadifadaysan oo reer lagana yaabo in wax badan ay iska badalaan, markaas golahu waxa uu isku raacay in arinkooda dib loo dhigo.”

Toddaba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Saylac oo ka soo jeeda beesha Ciise ayaa ku dhawaaqay inay xilkaas iska casileen ka dib markii ay sii xoogaysatay cabashadii beeshaasu ay ka qabtay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay. Waxa kale oo weheliyay saddex xildhibaan oo iyaguna ka tirsanaa golaha deegaanka Lughaya oo ka soo jeeda isla Beesha Ciise.